Wasiirka wasaarada shaqada iyo Arimaha Bulshada Mudane, Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray tababar heer degmo oo ku saabsan Hagaha Hawlgelinta Baxnaano Operational Manual Training.

Tababarkan waxaa kasoo qeybgaley Gudoomiyayaasha degmooyinka, gudoomiyayaasha arimaha bulshada heer degmo iyo Gobolka Banadir, iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee heer Federaal kuwasoo kaalin muhiim ah ka cayaaraya siduu u guulaysan lahaa barnaamijkani.

Si ay Dowaldda Soomaaliya u hanato in ay si toos ah u fuliso barnaamijka Baxnaano iyo dhammaan barnaamijyada kale ee ilaalinta bulshada ee mustaqbalka, waxaa Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ka go’an tayaynta shaqalaaha hay’adaha dawladda ee heerarka kala duwan.