Wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa ka qeyb galay daahfurka masharuuca kobcinta maamulka khayraadka dadweynaha ee Soomaaliya oo ka dhacaayay magalada muqdisho.

Wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa Maanta magaalada Muqdishu kaga qeyb galay daah-furka mashruuca kobcinta maamulka khayraadka dadweynaha ee Soomaaliya, Madashan oo ay soo qabanqaabisay Wasaarada Maaliyada xukuumada Federaalka Soomaaliya, taasi oo ay qayb ka tahay Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada dawlada federaalka Soomaaliya ee uu maalgalinayo Bangiga Adduunka.

Mashruucan ayaa ujeedadiisu tahay in la xoojiyo abaabulka dakhliga gudaha, maamulka maaliyadda dawladda, dib-u-habaynta hannaanka shaqaalaha Dowladda federaalka Soomaaliya, dowlad wanaagga, hufnaanta iyo daah-furnaanta Hey’addaha Dowladda iyo kor u qaadista adeeg bixinta.

Wasiirka ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey daahfurka ayaa tilmaamey in mashruucani waxbadan ka bedeli doono dalkeena Soomaaliya wuxuu sido kale u mahadceliyey bangiga aduunka oo kaalin muhiim ka qaadaneya horumarka Maaliyada iyo arimaha bulshada.