Xuska Mowliidka Nabiga CSW oo si weyn loogu diyaar garoobayo: Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo fasaxday Shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya .

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaqaalaha dowladda fasaxday hal maalin munaasabada Dhalashada Nabigeena Suuban (SCW) oo ku beegan bishan Mowiid 12. 1441, taariikhduna ay tahay 09/11/2019.

qoraalka ay soo saartay Wasaaradda ayaa u qornaa sidan:-

 

Sidoo kale Qabanqaabo xooggan iyo diyaar garow aad u ballaaran ayaa ka socda Gobolada Dalka iyo gobolka Banaadir degmooyinkiisa kala duwan, kaasi oo loogu diyaar garoobayo xuska bisha Mowliidka ee dhalashadii Nabi Muxamed N.N.K.H oo ku beegan 12-ka bisha Mowliidka.