Xoghayaha joogtada ee wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada oo tababar usoo xiray shaqaale ka kala socday wasaaradaha dawlda faderalka Somalia.

 Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Xasan Shariif Cusman ayaa maanta tababar ugu soo xiray Muqdishu qaar ka mid ah shaqaalaha rayidka ee Dawladda  federaalka  Soomaaliya.Tababarkaan ayaa lugu baranaayey maamulka mashaariicda  (PROJECT ADMINISTRATION) waxaana sare loogu qaadayey heerka aqooneed ee shaqaalaha ,iyadoo lugu baranaayey ciwaano muhiim u ah shaqaalaha waxaa ka mid ahaa sida loo qoro minitka,sida loo file gareeyo,xiriirka iyo sida uu muhiimka u yahay,(data manegment) .

Siminaarka waxaa iska kaashanayey hay’ada IOM iyo wasaarada shaqada MOLSA waxaana fududaynaysay hay’ada IFTIIN FOUNDATION oo dadaal badan ku bixisay casharada lugu baranaayey siminaarka, C/QAADIR NUUR ABUU oo ka mid ahaa IFTIIN FOUNDATION ahna barayaashii tababarka bixinaysay ayaa yiri “waxaan ku faraxsanahay tababarkaan in uu noogu soo dhamaado si wanaagsan waxaana ardayda ku baraynay casharo aad muhiim ugu ah shaqada ay ka hayaan xafiisyada dawlada ciwaanada aan ku bixinay siminaarkaan waxaa lugu barta 1 semester waxaan ku dadaalnay in aan ku bixino 5 maalmood si ay ugu dabaqaan casharadii ay barteen “.Agaasimaha Tababarada ismaciil macalin oo dawr ka qaatay sidii uu u hirgeli lahaa tababarkaan ayaa ka hadlay gabagabadii tababarkaan wuxu yiri “ mudo dheer ayaan soo dharaandhirinaynay in shaqaalaha dawladda  aan u qabano tababarkaan  aqoon kororsiga ah dadaal dheer ka dib waan ku guulaysanay in uu hirgalo tababarkaan waxaan u mahad celinaa hay’ada iftiin foundation oo dawr ku leheed qabsoomida tababarkaan”

abagabadii tababarkaan ayaa waxaa soo xiray xoghayaha joogtada ee wasaaradda shaqada iyo Arimaha bulshada Xasan SHariif ayaa yiri “ waxaan ku faraxsanahay in ku dhawaad 20 shaqaale oo kakala socda hay’adaha kala duwan ee dawlada ugu soo idlaado si habsami leh ,tababarada noocaan oo kale ah waxaa loo aadi jiray dalka dibadiisa dadaal dheerad ah ka dib waxaa lugu qabtay dalka barashada casharadaan waxay idiin tahay muhiim in aqoonta aad kororsateen aad ugu shaqaysaan bulshada ,waxaan rajaynaaya in uu sii socdo tababarada nuucaan o kala ah waxaan u mahad celinaa hay’adihii gacan ka gaystay tababarkaan “

Wasaarada SHaqada iyo Arimaha Bulshada ayaa waxay wadaa dadaalo lugu dardar galinaayo tababarda sare loogu qaadaayo aqoonta shaqaalaha dawladda Soomaaliyeed.

Pr Molsa training 0Pr Molsa training 1Pr Molsa training 2Pr Molsa training 3Pr Molsa training 4Pr Molsa training 5Pr Molsa training 7Pr Molsa training 8Pr Molsa training 9Pr Molsa training 6