Wasiirka shaqada  iyo arrimaha Bulshada oo shir wada tashi ah la yeeshay Mas’uuliyiin ka socota  Hay’adda UNDP-da  Soomaaliya  

shir  looga hadlayay siday wada shaqeyn toos ah u yeelan lahaayeen hay’adda UNDP iyo  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa ka dhacay magaaladda Muqdisho.

Waxaa xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  lagu qabtey  shir  wada tashi oo  qayb ka ahaa wada shaqeynta u dhaxeysa hey’adda UNDP iyo Wasaaradda shaqada,  Waxana kulankaas shir gudoominayay  Wasiirka Wasaaradda Shaqada  Xildhibaan  Saalax Axmed Jaamac  waxaana ka soo  qeyb galay  Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga& Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Jamaal Maxamed Xasan  iyo Saraakiil sare oo  hay’adda UNDP ka mid ah uu hogaaminayay Agaasime ku xigeenka (UNDP Deputy Country Director Mr. David Akopyan) iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

shirkan ay  ka qeyb galeen mas’uuliin ka tirsan golaha Wasiirada xukuumadda federaalka  iyo  hay’adda UNDP  ayaa ahaa mid  wada tashi iyo isbarasho dhex marta Mas’uuliyiinta sare ee UNDP iyo Wasiirka Wasaaradda  Shaqada,  waxaa looga hadlay qaabkii loo dardar galin lahaa dib u habeynta sharciga shaqaalaha rayidka  ee L11 , Siyaasadda Shaqaalaynta Qaran (National Employment Policy NEP), Tababarada  Shaqaalaha  Dowladda  iyo Shaqo u abuurka  dhalinyarada  Jaamacadaha ka soo qalin jabisay.

Wasiirka  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Saalax Axmed Jaamac  oo ka hadlay Shirka  ayaa yiri “inta uu socday Shirka waxaa lagu lafa guray sidii ay UNDP uga gacan siin laheyd Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada hirgelinta qorsheyaal badan oo ah sidii loo hormarin lahaa howlaha loo egmaday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada”.

Wasiirka  Wasaaradda Shaqada ayaa intaasi raaciyay, in mas’uuliyiintii ka socotay UNDP ay sheegeen in ay kaalin mug leh ka qaadanayaan qarashka lagu hirgelinayo qorshaha horumarineed ee haatan horyaalla Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Kulanka ayaa kusoo dhamaaday jawi farxadeed, ayadoo ay labada dhinacba ay ku ballameen wada shaqeyn hufan.

UNDP and MOLSA meeting 01UNDP and MOLSA meeting 1UNDP and MOLSA meeting 2UNDP and MOLSA meeting 3UNDP and MOLSA meeting 4UNDP and MOLSA meeting 5UNDP and MOLSA meeting 6UNDP and MOLSA meeting 7UNDP and MOLSA meeting 8UNDP and MOLSA meeting 9UNDP and MOLSA meeting 10UNDP and MOLSA meeting 11