Wasiirka ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo ka qeyb galay Shirka aqoon isweydaarsiga ee shaqaalaha todobaadkiiba mar loogu qabto Xarunta  wasaaradda.

Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xill. Cabdicasiis Saalax Armaan ayaa maanta ka qayb galay shirka todobaad laha ee aqoon iswaydaarsiga ee shaqaalaha wasaaradda.

Shirka aqoon iswaydaarsiga ayaa todobaad waliba looga hadlaa mowduucyo faa’iido u leh in ay kala faa’idaan shaqaalaha dhaxdooda waxayna su’aalo ku waydiiyaan mas’uuliyiinta wasaarada sida wasiirka, wasiir ku xigeenka, xoghayaha joogtada iyo agaasimayaasha waaxyaha oo aalaaba ka soo qeyb galo shirka todobaad laha ay yeeshaan shaqaalaha wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada.

Agaasimaha qorshaynta iyo mashaariicda wasaarada shaqada Mudane Salaad xuseen cabdulle oo ahaa fududeeyaha shirka ayaa sharaxaad dheer ka siiye wasiir kuxigeenka u jeedada todobaad waliba maalinta axada ay isku yimidaan shaqaalaha wasaaradda in ay tahay aqoon iswaydaarsi iyo in uu qofka shaqaalah is baro shaqada u xilsaaran yahay ahmiyada u leedahay wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada.

Sidoo kale waxaa ka hadlay agaasimaha tababarada Mudane ismaaciil macalin cabdulaahi wuxuuna ku amaanay ka soo qayb galka wasiir ku xigeenka shirka todobaad laha in shaqaalaha u tahay dhiiro gelin iyo hore u socodka shaqada wasaarada, wuxuuna sheegay todobaadkii hore qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda la siiyay tababar caalami ah oo ku saabsanaa  maamulka mashaariicda (Project Administration) oo ay ka faa’iideysteen 8 ka mid ah  shaqaalaha wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada.

Shaqaalaha wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada ee soo xaadirtay shirka todobaad lahan ayaa wasiirka ku xigeenka ugu mahad celiyay ka soo ka soo qeyb galka shirka iyo talo iska waydiinta geedi socodka wasaaradda waxayna sheegeen in ay wasaaradan tahay hooyada wasaaradaha kale ayna doonayaan in ay ku bixiyaan  deeq aqoon (contribution), waxayna aad u soo dhawayn aqoonta ay ka helaan  todobaad walba sida buuga dhaqanka suuban ay shaqaalaha (Code of Conduct). Waxayna sheegeen in  qorshaha boqolka maalmood ay kaalin ka gaysteen, hadana ay diyaarin doonaan qorshaha sanadka ay wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada.

Shaqaalaha wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada ayaa hal ku dhig u ah  “isbar shaqadaada”.

Xoghayaha joogtada ee wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada mudane xasan shariif cusmaan ayaa agaasimeyaasha waaxyaha ku amaanay doorka ay ka qaataan qabanqaabinta Shirka aqoon iswaydaarsiga todobaad waliba loo qabto shaqaalaha wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada, wuxuuna wasiir ku xigeenka ka codsaday in shaqaalaha mar waliba ay u baahan yihiin dhiiro gelin iyo wada sheekeysi joogta ah iyo in la socod siinta xaaladda ay mareyso wasaaradda shaqada .

Wasiirka ku xigeenka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada oo ugu dambayntii ka hadlay Shirka  todobaad laha ee aqoon iswaydaarsiga, shaqaalaha wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada  ayaa yiri “aad iyo aad ayan ugu faraxsanahay in aan idin la wadaago su’aalaha ka dhashay aqoon isweydaarsigan waxaan soo dhaweynayaa su’aalaha macquulka ah oo aad i waydiiseen”  “sidoo kale waa mid aan og nahay  raalina ka nahay in aad shirtaan todobaadkiiba mar 10.00 Am – 12.00 Pm maalin waliba oo Axad ah”.

Wuxuuna intaa raaciyay Wasiir ku xigeenka “ kulankiina macno wayn ayuu inoogu fadhiyaa hadaanu nahay mas’uuliyiinta wasaaradda waxaan dooneynaa in aad noqotaan shaqaalaha aan ku faani karno oo guulo badan u soo hooyan wasaaradan inta ay mas’uuliyida wasiirnimo  ina saaran tahay waxaan dooneynaa in aan idinku reebno wax la taaban karo oo dan u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed”.

  sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa shaqaalaha wasaarada ku booriyay in ay aqoontooda  ugu faa’iideeyeen dalka ayna dhowraan  waqtiga shaqada wuxuuna yiri “maanta wuxuu Baarlamaanka ansaxiyay miisaaniyada taasi waxay xukuumadani ugu dhigan tahay in ay shaqaalaha mushaarkooda si joogta ah u heli doonaan,      idinkana waxaa la inka doonayaa in aad ixtiraamtaan madaxdiina si loo helo kala dambayn iyo gudashada waajibaad ka shaqo”.

 Wasiir ku xigeenka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada ayaa carabka ku adkeeyay in uu taageerayo soona dhawaynayo shirka  aqoon is weydaarsiga ee shaqaalaha todobaadkiiba mar loo qabto.

Pr Molsa Meeting of ministry staff with deputy minister 0 Pr Molsa Meeting of ministry staff with deputy minister 1 Pr Molsa Meeting of ministry staff with deputy minister 2 Pr Molsa Meeting of ministry staff with deputy minister 3 Pr Molsa Meeting of ministry staff with deputy minister 4 Pr Molsa Meeting of ministry staff with deputy minister 5 Pr Molsa Meeting of ministry staff with deputy minister 6 Pr Molsa Meeting of ministry staff with deputy minister 7 Pr Molsa Meeting of ministry staff with deputy minister 8 Pr Molsa Meeting of ministry staff with deputy minister 9