Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Dhallinyarada Gobolka Banaadir

Kulankani oo ahaa mid kamid ah kulamadii ugu horreeyay oo ay wada yeeshaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Dhallinyarada Gobolka Banaadir wajigiisii labaad kaasoo uu shir-guddoominayay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxaa kasoo qeyb galay xubno dhowr ah, waxaana kamid ahaa; Xasan Shariif Cusmaan – Xoghayaha Joogtada ah, Cumar Xuseen Caliyoow – Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha Gaarka ah iyo Muhaajiriinta, Ismaaciil Macallin Cabdullaahi – Agaasimaha Waaxda Tababarrada, Cabdirashiid Cabdullaahi Xeydar – Agaasimaha Waaxda Xiriirka Guud iyo Isgaarsiinta, iyo qeybo kale ee ka socday Gobolka Banaadir.

Waxaa ka hadlay kulanka kana bixiyay faahfaahin Agaasime Ismaaciil Macallin Cabdullaahi ee ah Agaasimaha Waaxda Tabarrada waxuuna yiri: “ 26ki sano uu soo maray dalka, wax xiriir toos ah iyo wada-shaqeyn meysan yeelan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Dowladda Hoose, gaar ahaan Dhallinyarada heer Degmo ilaa iyo heer Gobol, waana ku faraxsan nahay inaan wada shaqeyno, ka waax ahaanna waxaan idiin ballan qaadeynaa inaan tabarrada si wanaagsan idiinka haqabtiri doonno “.

Waxaa kaloo kawar bixiyay Waaxda uu madaxda u yahay Agaasimaha Waaxda Shaqaaalaha Gaarka ah iyo Muhaajiriinta – Cumar Xuseen Caliyoow, asagoo u dhigay hadalkiisa sidan: “ Marka hore waan idiin soo dhoweynayaa, waaxdan waxaa qorshe u ah baahinta siyaasadda shaqada, gaar ahaan Shaqaalaha Gaarka ah iyo kuwa Shisheeye, sida ay Gobolka Banaadir u baran lahaayeen Sharciyada u dagsan Wasaaradda Shaqada, kuwaasoo kala ah: (Sharciga Shaqaalaha Dowladda iyo Shaqaalaha Gaarka ah iyo Shaqaalaha Shisheeye, taasoo ay Wasaaraddu dooneyso inay Dhalinyarada Gobolka Banaadir ku baraarugsanaadaan sharciyada Shaqaalaha guud ahaan “.

Ugu dambeyntii  falaanqeyn iyo fikirro lays weydaarsaday kaddib, waxaa soo gabagabeeyay kulanka, Xoghayaha joogtada ah, Xasan Shariif Cusmaan asaagoo yiri: “ Dhallinyarada waxey xaq u leeyihiin in loo sameeyo Shaqo-abuur, kuwooda wax bartay iyo kuwooda xirfadaha leh, waxaana ku faraxsanahay inuu maant a kulan na dhex maro kuwa kamid ah Masuuliyiinta Dhalinyarada Gobolka Banaadir, dal walibana waxaa horumariyo dhallinyaradiisa, yaanan ogolaan marka dad shisheeye inaan dalkeenna wax ugu sugno dhammanteen, annagana ka wasaarad ahaan waxaan ballan qaadeynaa inaan garab joogi doonno lana shaqeyn doonno dhallinyarada.

Intaas kaddib ayuu Xoghayaha Joogtada ah waxuu iclaamiyay in Workshop laba maalmood ah loo qaban doonno Dhallinyarada, ayna ka faa’ideystaan.

meeting youth 6meeting youth 1 meeting youth 2 meeting youth 3 meeting youth 4 meeting youth 5