Tababar ku saabsan Sharciga Shaqaalaha Shisheeye oo loo qabtay Dhallinyarada Gobolka Banaadir    

Tababarkani uu daaha ka furay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Shaqada  iyo Arrimaha Bulshada maalinninmadi shalyto aheyd ayaa waxaa kasoo qeyb galay Agaasimayaasha kala ah Ismaaciil Macallin Cabdullaahi Agaasimaha Waaxda Tababarrada iyo Agaasimaha Xiriirka Guud iyo Isgaarsiinta Cabdirashiid Cabdullaahi Xeydar kuwaasoo qeyb ka ahaa qabanqaabada tababarkani si hufanna xarrunta Wasaaradda ugusoo dhoweeyay Dhallinyarada Gobolka Banaadir.

Muddada uu socon doono tababarkani ayaa waxaa horay u sheegay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda taasoo aheyd 2 maalmood kaliya.

Waxaa sidoo kale tababarkani bixinaayay Mudane Cabdi Daahir oo ah Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda CESEPSO, kaasoo aad uga haqabtiray Dhallinyara Fahamka guud ee Sharciga Shaqaalaha Shisheeye.

Su’aalooyin fara badan ee looga jawaabay Dhallinyarada kuna saabsanaa Sharciga Shaqaalaha Shisheeye kaddib ayaa Mudane Cabdi Daahir waxa uu shalayto soo xeray Tababarkii iyadoo lagu ballansanaa maanta in dib laysugu soo laabto lana soo gabagabeeyo Tababarka.

Saakay ayaa waxaa dib loo furay tababarkii siday ballantaba aheyd, waxaana daadihiye ka ahaa Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha Gaarka ah iyo Muhaajiriinta Cumar xuseen Calliyoow, asagoo dhallinyarada weydiiyay su’aalo dhowr ah eek u saabsaanaa fahamka ay ka qaateen Sharciga Shaqaalaha shisheeye, Dowrka ay ka cayaari karaan Sharciga Shaqaalaha Shisheeye iyo fikirkay kusoo kordhin lahaayeen Sharciga.

Waxaa kasoo qeyb galay tababarka maanta Waziir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cismaan Ibraahim Libaax, waxuuna aad ugu bogaadiyay dhallinyarada inaysan ka caajisin ka faa’ideysiga sharcigan iyo inay xaq u leeyihiin shaqooyinka ay awoodda u leeyihiin inay qabtaan kuwaasoo suura gal ah inay dalka ka qabtaan shaqsiyaad aan dalka u dhalan ee ajnabi ah, hadaladiisii waxaaa kamid ahaa: “Markaad aragtaan shaqooyin aad qaban kartaan ayna ka shaqeynaayaan ajaanib inala soo socodsiiya si aan idinku wareejino ileyn xaq baad u leedihiine”.

Waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaaha Bulshada ee Koonfur Galbeed Jeylaani Sheekh MAxamed Xasan, kaasoo ku tilmaamay tababarkan mid ku dayasho mudan.

Ugu damyn ayaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda iyo Xoghayaha Joogtada ah si wadajir ay u guddoonsiiyeen shahaadooyin dhallinyarada Gobolka Banadir ee labadi maalmood qaadatay Tababarkii Sharciga Shaqaalaha Shisheeye.

 sharci agnabi 1