Xil Wareejin Ka Dhacday Xarunta Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada (Sawirro)

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Eng. Luqmaan Ismaaciil Maxamed ayaa xilka ku wareejiyay wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey oo loo soo magacaabay xilkaas.

Munaasabadan xil wareejinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiir Ku Xigeenka Cusub Mudane Cusmaan Libaax Ibraahim iyo   Mas’uuliyiin ka kala socday Xafiisyada Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale iyo Xafiiska xeer ilaaliyaha Qaranka, Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda iyo Xafiiska Ra’iisul wasaaraha sidoo kale waxaa ka soo qayb galay madaxda Wasaaradda, Shaqaalaha iyo marti sharaf kale.

ugu horeyn waxaa munaasabada ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda mudane Aweys Sheekh Haddad, oo sheegay in dhamaan shaqaalaha Wasaarada ay soo dhaweynayaan wasiirka cusub, isla markaana ay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan, isagoo xusay in Wasiirka cusub mudane Cabdiwali Ibraahim Sh. Muudey uu yahay qabiir siyaasi ah oo hore u soo ahaan jiray guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Agaasimaha ayaa soo jeediyay war bixin kooban oo ku saabsan wax qabadka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada sanadkii tagay ee 2014.

xil wareejin 11

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Eng. Luqman Ismaaciil ayaa sheegay in ay wax ka qabteen waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin dib u dhiska iyo dayactirka xarunta Wasaaradda hada ay ku shaqeyso.

Wasiirkii hore oo kaftamaya ayaa yiri, “Yaan leys dhihin Wasiirka wuu ka xunyahay inuu xilkan wareejiyo, waan ku faraxsanahay xil wareejintan”, “ Wax la qabto waxaa ugu fiican dad in la dhiso, waxaana kugu soo wareejinayaa shaqaale tababaran oo wax qabad leh ee iga gudoon ammaanadii shalay la iigu dhiibay Wasaaraddan ayaan maanta kugu wareejinayaa Mudane Wasiir Muudey” sidaana waxaa yiri Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

 

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada mudane C/Wali Ibraahim sh. Muudeey, ayaa sheegay in uu sii amba qaadi doono howlihii ay horey u qabteen wasiirkii hore iyo Mas’uuliyiinta Wasaaradda, waxuuna madaxda Dowladda ka codsaday inay garab ku siiyaan howlaha horyaalla Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

 

Wasiir Muudeey ayaa balan qaaday in uu xafiiskiisa u furan yahay dhammaan Shaqaalaha Dowladda iyo kuwa Gaarka ah.

 

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa socday xil wareejin ay sameynayeen wasiiradii hore ee xukuumaddii C/wali Sheekh Axmed, kadib markii la soo magacaabay wasiiro cusub, isla markaana todobaadkii hore codka kalsoonida ka heleen Baarlamaanka Soomaaliyaa

xil wareejin 1 xil wareejin 2 xil wareejin 3 xil wareejin 16 xil wareejin 15 xil wareejin 13 xil wareejin 14 xil wareejin 12 xil wareejin 10 xil wareejin 4 xil wareejin 5 xil wareejin 7 xil wareejin 8 xil wareejin 9