Wafdi ka socday dalka Iran oo soo Booqday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Wafdi ka socday dowlada dalka Iran ayaa booqasho ku yimda Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, wafdiga ayaa ujeedkoodu ahaa ogaanshaha sidii ay wax uga qaban lahaayeed Arrimaha Bulshada dalka Soomaaliya.

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Aweys Sheekh Hadad ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta ka socotay Dalka Iran waxuuna ugu mahadceliyay booqashada ay ku yimaadeen dalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

 

Agaasimaha Guud oo aad iyo aad ugu faraxsanaa booqashada Wafdigan ayaa sheegay Xiriirkii soo jireenka ahaa ee shacabka labada wadan Iran iyo Soomaaliya, wuxuuna wax uga sheegay wajibaadka shaqo ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada gaar ahaan dhanka Arrimaha Bulshada, waxuuna ku amaanay in ay door wacan ka qaateen shacabka iyo Dowlada Iran gacan siinta Bulshada Soomaaliyeed.

Wafdiga socday dalka Iran ee soo Booqday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxaa  hor kacayay Madaxa Hay’adda Imaamul Qumeyni mudane Cabdul Jalil Setayeshfir isaga oo uu ku wehliyay  mudane Muxsin Shahrabi.

Iran 2

Waxayna sheegeen in ay sharaf weyn u tahay booqashada, qaabilaada iyo soo dhaweynta Mas’uuliyiinta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, “waxaan dalka Soomaaliya u nimid in aan soo gaarsiino kaalmooyin ay soo dhiibeen Shacabka dalka Iran, oo kala ah  Caafimaadka Bulshada, Wax Barashada, daryeelaka Dadka Naafada, iyo Shaqo u abuurka dadka Nugul” sidaana waxaa yiri mudane Cabdul Jalil Setayeshfir Madaxa Hay’adda Imaamul Qumeyni Faraceeda Soomaaliya.

 

Mudane Muxsin Shahrabi ayaa ka mahad celiyay shirka ay la yeesheen Madaxda Wasaaradda waxuuna sheegay qorshaha u degsan in ay ku jiraan wax ka qabadka Arrimaha Bulshada, oo kala ah ku dhawaad 25 xubnood ay ku soo tababarayaan dalka Iran, Barnaamij Guurka laga caawinayo dadka masaakiinta ah ama Guur Wadareed, iyo Tababaro dhar tolista ah  (Harqaan) oo ay ka faa’iidaysanayaa 100-150 qof oo Rag iyo Haween ka kooban in  ay ka furayaan Magaalada Muqdisho.

Iran 0

Wada hadal iyo falanqeyn dheer ka dib waxaa la isku afgartay in ay Masharaacda ay wadaan dalka Iran ka wada shaqeyaan Hay’adda Imaamul Qumeyni Faraceeda Soomaaliya iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dalka Soomaaliya.

 

Booqashada iyo wada hadalka dhex maray Wafdi ka socday dowlada dalka Iran iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa ku soo idlaaday jawi farxadeed iyo wada shaqeyn dhex marta labada dhinac ee ku kulmay Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Iran 1 Iran 4 Iran 3 Iran 6 Iran 5