Wasaaradda Shaqada iyo Ariimaha Bushada oo ka qeyb qaadatay Tababar loo qabtay qaar ka mid ah shaqaalaha Waaxyaha Qorsheenta Wasaaradaha Dalka

Tababarkan oo loo qabtay qaar ka mid ah shaqaalaha Qorsheednta  Wasaaradaha  ayaa lagu baran doono diyaarinta qorsho sanadeedka dowladda, gaar ahaan shanta sano ee soo socoto sida lagu horumarin karo Soomaaliya, iyadoo furitaankii siminaarka ay ka qeyb galeen Madaxda Wasaaradda Qorsheynta iyo xubno kale.

Tababarkan oo loogu magacdaray “Qorshe la’aanta waa aragti la’aan” oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta oo kaashaneysa hay’adda UNDP ayaa socon doono muddo saddex cisho ah.

Siihayaha Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa sheegay in tababarkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay shaqaalaha Wasaaradda oo looga fadhiyo inay soo diyaariyaan qorshe howleedka horumarka dalka ee shanta sano ee soo socota.

IMG_0376
“Waxkasta waxa ay u baahanyihiin qorsheyn, Wasaaradduna waxa ay u taagantahay diyaarinta qorshe howleed, tan kale waxaad tihiin lafdhabarkii iyo indhihii dalka, marka noqda kuwa ka faa’iideysta fursadan” ayuu yiri Prof Cabdullaahi Qaloocow.
Siihayaha Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Saciid Cabdullaahi Maxamed Dani ayaa tilmaamay in ujeedka loo qabanayo tababarkan uu yahay sida lagu heli karo qorshe horumarineed oo ay ku shaqeeyaan hay’adaha dowladda, maadaama Wasaaradda ay arrimahaasi u xilsaarantahay.

“Wasaaradda Qorsheynta waxa ay u diyaarsantahay diyaarinta qorshe howleedka shanta sano ee soo socda, haddii ay noqon lahayd Wasaaradaha heerka federal iyo isku dabaridka howlaha loo igmaday, marka waxaa loo baahanyahay in aad ka shaqeysaan sidii ay Soomaali u heli lahayd qorshe cad oo ka samata bixi xaaladda dalka” ayuu yiri MUdane Saciid Dani.

1 3 2 4 6 (1) 7 8