Xil wareejin iyo wada hadal dhaxmaray Agaasimayaasha iyo Shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  

Waxa Saaka Xaflad Xil-wareejin ah oo lagula kala wareegay Xilka Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyda d ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo uu Dhawaan Wasiirka wasaaradda usoo Magacaabay Agaasimaha cusub ee Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada in ay tahay Marwo Safiya Abuukar Karaani , ayada oo xilka kala Wareegtay Agaasimihii Hore Maamulka iyo Maaliyada  ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Mr. Saciid Adaan Mire.

xil-wareejinta loo sameeyay Agaasimaha cusub ee Maamulka iyo Maaliyadda  waxa ka qaybgalay Agaasimaha Guud mudane Maxamed Cadde Mukhtaar  Agaasimayaasha  Waaxyaha iyo Shaqaalaha Wasaaradda , marti sharaf iyo Agaasimaha cusub ee xilka loo tiriyay.

Ugu horayn, Agaasimahii hore ee Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Saciid Adan Mire oo hadal kooban ka jeediyay munaasibadaa, waxa uu ka waramay ahmiyada ay ku laheyd muddadii uu agaasimaha ka ahaa Waaxda maamulka iyo Maaliyadda ee wasaaradda “ waxaan raali ka ahay in aan xilka ku wareejiyo agaasimaha Cusub ee maamulka iyo Maaliyada marwo Safiyo Abuukar Karaani” sidaana waxaa yiri Saciid Adan Mire.

Sidoo kale waxaa ka hadashay Agaasimaha Maamulka iyo maaliyadda Marwo Safiyo Abuukar  karaani waxay ka codsatay mas’uuliyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda in ay si hufan ula shaqeeyaan, waxayna ku wareejisay xilka ay hore ugu heysay wasaaradda oo aheyd  waaxda  Macadka daryeelka naafada.

xil wareejin maamul 1

Agaasimaha Guud ee  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Cadde Mukhtaar  oo gebogebadii munaasibadaa xil-wareejinta ka hadlay, waxa uu sheegay “Shirka  maanta ujeedadiisu waxay tahay in aan isku  xil-wareejino Agaasimayaasha waaxyaha oo laysku badalay Agaasimaha waaxda Maamulka, iyo Agaasimaha waaxda macadka daryeelka naafada”

 

Agaasimaha guud ayaa dhammaan Shaqaalaha kula dardaarmay in ay la shaqeeyaan agaasimayaasha waaxyaha ee xilka loo kala wareejiyay waxuuna sheegay  “waxay mar dhow iman doona quburo ka shaqeyn doona xaadirnta Shaqaalaha, waxaan  idinku  wacyi galinayaa in aad  soo gashaan shaqadiina xilga loogu tala galay  waqtigana aad Dhowrtaan”.

 

Xaflada Xil-wareejinta  Agaasimayaasha Waaxyaha  ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa ku idlaatay jawi farxadeed iyo balanqaadyo wada shaqeyn

xil wareejin maamul 0  xil wareejin maamul 2 xil wareejin maamul 3 xil wareejin maamul 4 xil wareejin maamul 5 xil wareejin maamul 6