Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kormeeray dhismaha  African Villag ee Magaalada Muqdisho.  

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Kormeerka uu maanta ku tagay African Village ayaa ahaa mid horay loo qorsheeyay ka dib markii uu kulamo gaar ah  la qaatay, guddi ay iska soo xuleen, shacabka daggan dhismaha African Village.

dhismaha African Village oo caan ka ah magaalada Muqdisho, ayaa la dhisay sanadka marka uu ahaa 1974tii degmada Hodan, waxaana loogu magac daray African Village,

Dhismooyinkan  ayaa ahaa kuwo loogu talagalay wafdigii midowga  Africa ka socday oo isugu jiray madaxweynayaal,  wasiiro,  iyo madax kale oo qaaradda ka socday, si ay deegaan ugu ahaato muddada uu shirka socday, shirkana kolkuu dhamaaday waxaa lagu wareejiyay dhismooyinkaas Wasaaradda Shaqada oo ay deegaan u ahayd mas’uuliyiinta Wasaradda Shaqada.

Guddiga ku casuumay Wasiir ku xigeenka inuu soo kormeero Deegaanka  African Village ayaa u jeedkiisu ahaa in  ay soo tusaan xaalada uu ku sugan yahay dhismaha, waxayna sharaxaad ka bixiyeen Deegaanka  African Village  guud ahaan “ waxa uu ka kooban  11 block oo 7 ka mid ah ay tahay 4dabaq midkiiba, 4ta kalana waa 3 dabaq midkiiba.  Qeyb ahaan guryahaa ayaa u dhisan qaab ah, 3qol fadhi iyo Kushiin iyo  musqul, qeybta kalana waxay u dhisan tahay 7qol iyo laba musqulood, iyo 2qol fadhi iyo musqul oo ah qeybta Doobka

Waxaa kaloo ka mid ah ugu yaraan  7 Villa oo ku taalla xerada gudaheeda, iyo dukaamo  badan oo ganacsi ah, darbiga wareegga ee xarunta waa baaba’sanyahay oo gebi ahaan waa dunsanyahay, mana lahan ganjeel” intaa waxaa sheegay Guddiga deegaanka  African Village.

African Village 0

Kormeerka uu  maanta Wasiir ku xigeenka Mudane  Cusman Libaax Ibraahim ku bixiyay African Village ayaa noqonaya kii ugu horreeyay muddo 25 sanadood ah, iyadoo uusan hortii tagin qof mas’uul ah muddadaas.

Kormeerka Wasiir ku xigeenka waxaa ku wehliyay mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Shaqada, iyo madaxda qeybta  ciidamada Police-ka, iyo taliyaha saldhigga Booliska  degmada Hodan.

Goobaha uu soo kormeeray Wasiirka  waxaa ka mid ahaa qeybta deegaanka, iyo qeybo ganacsi iyo waxbarasho isugu jiroo ay kusoo kordhiyeen dadka daggan.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay booqashadiisa inuu ku faraxsanyahay, wuxuuna umahad celiayay guddigay iska soo xuleen shacabka deggan African Village. ““Waxaan boggaadinayaa  guddiga  kormeerka maanta waa mid loo baahnaa inaan idinku imaado goor hore, bale maanta ayay ii suuragashay, waxad rabtid inaad sheegtidna waa inaad aragtaa, hadda waan ogaadaya xaaladda deegaanka African Village uu ku suganyahay iyo hawlaha ka socdo, waxanna rajeynayaa inaan kulamo gaara yeelano qeybaha kala duwan ee shacabka daggan African Village ka koobanyahay, gaar ahaan dadka mehradaha ku haysto”

Taliyaha saldhigga Policeka ee degmada Hodan, Xuseen Maxamed Cabdi, ayaa isna sheegay inay kaalin mug leh ka qaadan doonaan amniga iyo dib-udhiska African Village xilli walboo loo baahdo.

Kormeerka ayaa kusoo idlaaday jawi nabdoon iyo Isfahan ku dheehantahay farxad.

African Village 2 African Village 3 African Village 4 African Village 5 African Village 6 African Village 7 African Village 8 African Village 9 African Village 10 African Village 11 African Village 12 African Village 13 African Village 14 African Village 15 African Village 16 African Village 18 African Village 19