Jago Bannaan:- la taliye, sahanka suuqa shaqada (Job Market Survey)

CINWAANKA  MASHRUUCA:- MASHRUUC NONOLEED BADAL U AH BURCAD BADEEDNIMADA

 (ALTO WAJIGA SADDEXAAD)

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Hay’adda UNDP waxay ogeysiinayaan  in ay qaadaneyso  la taliye, Sahanka Suuqa Shaqada  iyo khubaro aqoon u leh hawlaha shaqo abuurista dhalinyarada ku howlan burcad badeedka, kuwaas oo ka howl gali doona  Soomaaliya gaar ahaan  gobolka Galgaduud degmada Balanbale.

 

Jago Bannaan:  la taliye, sahanka suuqa shaqada  (Job Market Survey)

Xiliga:   8 maalmood ee November 2015

Goobta shaqada;   / Maamulka Gal-Mudug  / Degmada Balanbale  Soomaaliya

Ku eg: 30-ka November 2015

 

Hadaba dadka  soo codsanaya  shaqadaasi waxaa laga doonayaa sharuudaha soo socda:-

  1. Waa in uu heystaa shahaado  Jaamacadeed oo ah Maamul iyo maareyn
  2. Waa in uu si fiican u yaqaanaa luqada  English- ka
  3. Waa in uu leeyahay  xirfadaha qoraalka iyo afka isgaarsiinta Gaarka ah.
  4. Waa in uu  Aqoon u leeyahay  falanqaynta xogta iyo warbixinta.
  5. Waa in uu yahay qof Karti  joogto ah u leh oo la isku hallayn  karo.
  6. Waa in uu leeyahay ugu yaraan khibrad  shaqo 2 – 3 sano .

Sida loo codsado: haddii aad dareensan tahay inaad tahay musharax ku haboon booskan  si raxmad leh ku soo  diro codsigaaga oo ay la socdaan  taariikh Nololeedkada CV iyo magacyada 3 qof  oo mas’uul kaa noqon karta,  fadlan ku soo dir  Emailkan: – ministry@mol.gov.so