Wasiiru dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo shir-gudoomiyay maalintii labaad ee Aqoon isweydaarsiga Siyaasadda Ilaalinta Bulshada

Waxaa maalintii labaad magaalada Muqdisho si habsami leh uga socda dood cilmiyeed ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaasi oo ku saabsanaa Dejiyeyaasha Siyaasadda Ilaalinta Bulshada Soomaaliya  Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Yuusuf Maxamed Aadan oo shir guddoominayay kulanka ayaa bogaadiyay aqoon isweydaarsiga, waxuuna soo dhaweeyay ka qeyb galayaasha oo ay ka mid ahaayeen Wasiiro ku xigeenada Federaalka iyo Wasiir ku xigeenada shaqada ee dowlad goboleedyada.

 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Daaqa Xil. Aadan Maxamed Cali oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta lagu casuumay aqoon isweydaarsiga ayaa sheegay in dalka ay faa’iido badan u leedahay ilaalinta bulshada. “Waa lagama maarmaan ah in u adeegayaasha ay diyaariyaan Iskaashatooyin mid ah si ay shaqo ugu abuuraan dadka ka faa’iideysta mushruuca Ilaalinta Bulshada (SP)”. Sidaana waxaa yiri Xil. Aadan Maxamed Cali Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS.

 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadashay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo bulshada dhan walba, isagoo ku adkeeyay in howlwadeenada ay sii laba jibaaraan shaqada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale, wasiir ku xigeenada shaqada ee dowlad goboleedyada oo ka hadlay mashruuca Baxnaano, waxay sheegeen in mashruuca Baxnaano uu ku socdo waddo cad oo waxtar leh.
“Dadka ka faa’iidaysanayay ee jooga miyiga waxaa gaarta lacagta mashruuca Baxnaano oo xawaalad ah (Mobil Cash) waxay na ku kasbadeen sumcad lagu aamino oo ay deyn ku qaadan karaan, waayo waxa la og yahay inay lacag qaataan oo ay ku jiraan mashruuca Baxnaano.” ayuu yiri. mid ka mid ah wasiir ku xigeenada shaqada ee dawlad goboleedyada.

 

Ugu dambeyntii, mawduucyadii maanta ugu muhiimsanaa ee Aqoon-is-weydaarsiga Dejiyeyaasha Siyaasadda Ilaalinta Bulshada Soomaaliya wuxuu ahaa sidan
1 Habka ugu wanaagsan ee lagu dooran karo Ilaalinta Bulshada (SP).
2. Qaab-dhismeedka sharciga (legal frameworks)
3. Maamul Wanaagga SP (Good Governance SP)