Aqoon isweydaarsiga Siyaasadda Ilaalinta Bulshada oo la soo gabagabeeyay

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa maanta soo xiray Aqoon isweydaarsiga Siyaasadda Ilaalinta Bulshada oo saddex cisho ka socday Muqdisho.

Aqoon isweydaarsiga ayaa isku keenay dejiyeyaasha siyaasadda Ilaalinta Bulshada Soomaaliya, iyadoo ay goobjoog ahaayeen guddiyada Arrimaha Bulshada labada Aqal ee Baarlamaanka , xafiiska Ra’iisul wasaaraha , wasaaradaha Dawladda Federaalka ee Arrimaha Bulshada , wasaaradaha Dawlad-gobolleedyada ee Arrimaha Bulshada iyo hay’adaha kale ee Arrimaha Bulshada.

“ Aqoon isweydaarsiga wuxuu fursad inoo siiyay inan fahan badan ka helno Ilaalinta Bulshada , taa oo gacan ka geysanaysa si wadajir ah inan uga shaqeyno horumarinta Siyaasadeenna Arrimaha Bulshada.” ayuu yiri Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha Shacabka BJFS,Xil. Nadra Saalax Cabdi, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Daaqa Xil. Aadan Maxamed Cali , Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Galmudug Mudane Yaxye Hiish Xuseen iyo wakiillada u hadlay ka qeybgalayaasha , ayaa si isku mid ah u xaqiijiyay mudnaan siinta Siyaasadda Arrimaha Bulshada si loo horumariyo taageerrada Bulshada.

Aqoon isweydaarsiga Siyaasadda Ilaalinta Bulshada ayaa qeyb ka ah qorshayaasha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , ee lagu doonayo in lagu horumariyo adeegyada Bulshada iyo barnaamijyada gacan ka geysanaya kobaca Bulshada iyo dhaqaalaha.