Wasiirka Wasaaradda Shaqada oo furay wejiga koowaad  ee tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ee Hey’adaha Dawladda  

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha  Bulshada  Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac  ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 12-2-2018 ka qeyb-galay Aqoon is weydaarsi (HR Audit workshop) loo furayay  wajiga koowaad ee tirakoobka iyo diiwaangelinta shaqaalaha Rayidka ah ee dawladda federaalka  Soomaaliya.

Munaasabada Aqoon isweydaarsiga ayaa  ka dhacday hoolks shiraraka ee Royal Palace Hotel magaaladda Muqdisho,   waxaa ka soo qeyb-galay Wasiiro, xildhibaano, agaasimayaal katirsan wasaaradaha, mas’uuliyiin ka socotay Guddiga Shaqaalaha Rayidka , Hanti dhowrka Guud ee Qaranka, Xafiiska RW  iyo madaxtooyada , in ka badan 150 shaqaalle oo laga soo diray hey’adaha Dawladda iyo masuuliyiin kale.

Gudiga farsamada ee tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ee Hey’adaha Dawladda XFS  ayaa madasha ku soo bandhigay natiijada rasmiga ah ee ka howlgalka mashruucan wajiga koowaad ee  tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ee Hey’adaha Dawladda  loo idmaday.

 Agaasiamaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  Mudane  Maxamed Cadde Mukhtaar ayaa faah faahin iyo sharaxaad dheer ka bixiyay hadafka laga leeyahay dib u eegista iyo tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ee Hey’adaha Dawladda XFS  ayaa yiri ” wuxuu ku salaysan yahay in qofkasta oo kamid ah shaqaalaha dawladda uu helo aqoonsi iyo macluumaad la xiriira sida go’aanka shaqaaleynta,”. Agaasimaha Guud ayaa sheegay in ay jiraan Shirkad madax banaan oo ku guuleysatay  fulinta Barnaamijkan oo logu magacaabo  ASAL oo kaashanaya Bank Aduunka  WB

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha  Bulshada  Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac  ayaa sheegay in hirgelinta  tirakoobka iyo diiwaangelinta shaqaalaha hey’adaha  dawladda federaalka uu qeyb ka ahaa waajibaadka shaqo ee wasaaradda shaqada, waxuuna si aad ah ugu mahadceliyey gudigii uu howshaa u xilsaaray oo si wanaagsan u gudo gelaya waajibaadkii shaqo ee uu faray wasiirka.

“Waa muhiim in lahelo tirada saxda ah ee shaqaalaha dawladda lagana warhayo habka ay u shaqeeyaan,  waxaan maanta inoo bilaabmaya aqoon isweydaarsigii  lagu heli lahaa in tirada saxda ah ee shaqaalaha dawladda ”  Ayuu yiri Wasiirka wasaaradda shaqada.

Wasiir Saalax ayaa guud ahaan Shaqaalaha hey’adaha Dawladda ugu bishaareeyey in dhawaan la soo dhisi doono hay’adda tababarka shaqaalaha oo uu  heshiis laba geesood ah dhex maray, lana rajeynayo in shaqaalaha aysan meel kale u aadin tababar, aqoontoodana kor loogu qaadayo dalka gudihiisa mooyee.

Maalinba maalinta ka dambaysa waxaa si hamsami leh u fulaya hawlaha shaqo ee wasaarada shaqada, wexayna todobaadkii hore golaha wasiirada ka meel mariyeen  sharciga Adeega Rayidka Federaalka, waana arrin aad u wanaagsan oo niyad sami gelinaysa Shaqaalaha Rayidka ee Hey’adaha Dawladda oo kalsooni buuxda ku qaba dawladooda.

Daawo sawiradda:

tirakoobka shaqaalaha MOLSA 1 tirakoobka shaqaalaha MOLSA 2 tirakoobka shaqaalaha MOLSA 3 tirakoobka shaqaalaha MOLSA 4 tirakoobka shaqaalaha MOLSA 5 tirakoobka shaqaalaha MOLSA 6 tirakoobka shaqaalaha MOLSA 7 tirakoobka shaqaalaha MOLSA 8 tirakoobka shaqaalaha MOLSA 9 tirakoobka shaqaalaha MOLSA 10 tirakoobka shaqaalaha MOLSA 11 tirakoobka shaqaalaha MOLSA 12 tirakoobka shaqaalaha MOLSA 13 tirakoobka shaqaalaha MOLSA 14 tirakoobka shaqaalaha MOLSA 15 tirakoobka shaqaalaha MOLSA 16 tirakoobka shaqaalaha MOLSA 17 tirakoobka shaqaalaha MOLSA 18