WASIIRKA WASAARADDA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA XIL.SAALAX AXMED JAMAC  OO DALKA  DIB UGU SOO LAABTAY  

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo dalka dib ugu soo laabtay soona gaaray xafiiskiisa ka dib Safar Shaqo uu ugu ambabaxay  Dalka Swizerland ee Casimada GENEVA.  Wasiirka  ayaa u  mahad celiyay dhammaan inta ka soo qeyb gashay soo dhaweeynta diiran ee loo sameeyay, waxuuna  si gaar ah ugu mahad naqay xiligii  uu ku maqnaa safarka Shaqo howlaha ay qabteen mas’uuliyiinta Wasaaradda  shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Wasiirka  Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Saalax Axmed Jamac ayaa ka qeyb galay Shirka 106aad ee ILO,   Waxyaabaha Shirka looga hadlay Qodobada ugu Muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa:- sidee loo abuuraa shaqooyin ku lug leh arrimaha (green energy or green jobs) ,Arrimaha Shaqaalaha u tahriibaya dalka dibadiisa, Sidee  loogu abuuraa shaqo dadka abaaraha ka soo baxaya Sida Soomaliya iyo in la xoojiyo Shuruucda iyo xuquuqda dadka shaqaalaha ah.

Shirkaan oo ahaa Mid ay ka soo qeybgaleen Wadama caalamka iyadoo looga hadlayay Shaqaalaha Aduunka sidii loo Hormarin lahaa Shaqana loogu abuuri lahaa Dhalinyarada Shaqa la’aanta ah  Shirkaan Waxaa soo qaban qaabiyay Hey’ada International Labor Organization (ILO)

“Safarkeenu wuxuu ahaa mid waxbarasho oo aan ku ogaaneynay Qaabka ugu wanagsan ee aan uga dhax Muuqan laheen Caalamka Waxaana ka rajeyneeynaa  Mira dhal fiican oo Mustaqbal leh ”

 

Sidoo kale  wasiirka Wasaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xil Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Wasaraddu yeelan doonto Library ayna ka faa’ideysan doonaan dhalinyarada si documentiyada taarikhiga ah  ee Wasaradda dib loo helo.

Ugu danbayntii Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa sheegay in Bisha barakaysan ee Ramadan ay muslimiinta tusaale fiican u tahay una taagan tahay adkaynta midnimada Muslimiinta, waxuuna  shaqaalaha  Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeyay  munaasabada Ciida  Soonfur iyo 26 June maalinta  xuriyadda ee calanka  laga taagay gayigeena   Soomaaliyeed.

 minister salah wellcoming

Halkan Hoose ka dhageyso  qudbada wasiirka Shaqada  iyo arrimaha bulshada

W/D. Waaxda Xiriirka Guud iyo Isgaarsiinta

Email:  ministry@mol.gov.so  /   Pr@molsa.gov.so