Dowladda Federaalka  oo Shaqaalaha Fasaxday hal  Maalin oo ku beegan  Maalinta Xurriyadda iyo Midowga ee 1 Lulyo

Agaasimaha Guud  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  Mudane  Maxamed Cadda Mukhtar  ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in shaqaalaha dowladda iyo kuwa hey’adaha gaarka ah la fasaxay hal maalin oo ku beegan  Maalinta Xurriyadda iyo Midowga ee 1 Lulyo 2017.

 Warqadda waxaa loo qoray sidan:

Ujeeddo: “fasaxa Maalinta Xurriyadda iyo Midowga ee 1 Lulyo”

 “HAMBALYO UMMADDA SOOMAALIYEED”

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxey ugu Hamabalyeyneysaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed Maalinta Xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo Midowgii Laba Gobol.

Waxey Wasaaradda Shaqada ku war gelinaysaa Dhammaan shaqaala weynaha Soomaaliyeed in ay yahiin fasax Maalinta Sabtida ee ku aadan  01 Luulyo 2017 waxeynu leenahay ku ciida CIID WANAAGSAN.

 

Dhammaad

 

fasaxa Maalinta Xurriyadda iyo Midowga ee 1 Lulyo ok