Xoghayaha joogtada  Wasaradda shaqada iyo arimaha Bulshada  oo ka  war bixiyay safar shaqo uu ku tagay Geneva ee shirkii ILO-da

Xoghayaha joogtada  Wasaradda shaqada iyo arimaha Bulshada  oo ka  war bixinyay safar shaqo uu kaga soo labtay shirka ILO oo ka dhacay  Ganeva.

Shirka sanadlaha ILO oo ay isugu yimadaan xubnaha  sedex geesood ee lagu casuumay in ay ka qaby galaan shir ayaga oo ku howlan arrimaha shaqada ee wadamadooda.  Waxaa logu hadlayay sanadkan sedex barnaamij oo ka ah shaqada hufan (decent work program) ‘cadaalada iyo xuquuqda shaqaalaha iyo dhoofka shaqaalaha (labor imigration ).

Xoghayaha joogtada ee wasarada shaqada iyo arrimaha bulshada  oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeyb gashay shirkaas ayaa maanta warbixin ka siiyay Agaasimeyaasha waxyaha ee wasaarada guulihii ey kasoo hoyeen shirkaas wuxuuna yiri “Wasaarada shaqada waxey ahmiyad gaar ah siineysay  barnaamijka shaqada hufan siduu kaga bilaaban lahaa Dalka soomaaliya mudo sedax sano ayaa naga soo qasaartay oo aan mashruucan ku hormarin laheyn  ummadda  Soomaaliyeed. kadib markii isfahm waa uu soo kala dhex galay wada shaqeynta sedex geesoodka (trepartito ) ee kala ah loo shaqeeyaha ,ururada shaqaalaha iyo wasaaradda shaqada.

  Xoghayha Joogtada ayaa ka muujinayay socosha la’aanta mashruuca shaqada hufan, “waxuu hoos u dhac u yahay wasaaradda waxuuna sheegay “wadamada liita sida soomaaliya oo kale ay ka faa’ideysteen soona kabsadeen haatana ay marayaan wajigii sedexaad  ee mashruuca shaqada hufan “waa in aan go’aan cad kasoo sarnaa hergilinta mashruuca,  hadii aan socodsiin weynana  waxey ceeb ku tahay Wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada” sidaan waxaa yiri Xoghayaha joogtada

Sidookale dhammaan Agaasimeyaasha iyo mas’uuliyiinta kasoo qeyb gashay kulanka ayaa weydiinayay su’aallo kaladuwan oo ku aadan waxyaabahii uga soo qabsoomay shirka 106aad ILO ,wuxuna kaga jawaabay si waafi ah oo ay ku qanacsanaayeen dhammaan Agaasimeyaasha  wuxuna carabka ku adkeeyay in DWP ay wax waliba ku jiraan oo lagu hormarinaayo danaha bulshada iyo shaqaalaha Soomaaliyeed .

Gabagabadii  Agaasimeyaasha ayaa war bixin gaaban ka siyeen  xoghayaha joogtada  qorshaha 100 malmood ee u dagsan wasaaradda  waxyabihii kaga qabsoomay  .

PR molsa PS 1 PR molsa PS 2 PR molsa PS 3 PR molsa PS 4 PR molsa PS 5 PR molsa PS 6

PR molsa PS 0Minister Salah ILO Geneva 2