Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiinta ugu sareysa hay’adda WFP ee Somalia.

Shirkaan ayaa looga hadlaayey geedi socodka qorista siyaasada ilaalinta bulshada waxaana kaso qeyb galay u qeybsanaha hay’ada WFP Somaliya mudane  Emmanual Bigenimana  iyo ku xigeynkiisa Lauren Bukera,ujeedka shirkaan ayaa ahaa sidii loo dardargalin lahaa dadajinta qorista  siyaasada ilaalinta Bulshada Soomaaliyeed .

 

Wasiirka wasarada shaqada iyo arrimaha bulshada Salax Axmed Jaamac oo shir gudoominaayey ayaa sheegay in ay muhiim tahay qorista siyaadda Ilaalinta  bulshda ,wada tashiyo ay la sameyeen qeybaha kala duwan ee bulshada waxaan ku ogaanay in loo bahan yahay qorista shacigaan ,si ay u helaan bulshada daryeel buuxa.

 

dhanka kale Hay’ada WFP ayaa waxay ku howlan tahay in uu dalka helo sharci lagu ilaalinayo  bulshada ,madama hay’adaan ay wadanka  ka fuliso hawlo ay ku caawiso bulshada Soomaaliyeed.

 

Wasaarada shaqada ayaa wada dadaal ugu gogol xaareyso  qorista sharcigan waxaana dhawaan la  sameyn doona gudiga farsamada ee  qorista siyaadda ilaalinta bulshada, si dalka uu u yeesho siyaasad lagu ilaalinaayo bulshada oo qoran.