Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Shaqaalaha Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyey Munaasabadda 1 May.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Xil. Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey ayaa munaasabada 1da May, 2016 oo ah maalinta shaqaalaha aduunka ugu hambalyeeyey dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

“Waxaan hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha aduunka u dirayaa dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed ee udub-dhexaadka u ah shaqada iyo horumarka dalka guud ahaan” ayuu yiri Wasiir Muudey.

Wasiir Mudey  ayaa ka hadlay dadaalka dowladda Soomaaliyeed ugu jirto inay abuurto shaqooyin, ayadoo laga faa’idaysanayo xooga shaqaalaha ummadda ee diyaarka ah. Waxaana uu tilmaamay baahida loo qabo aqoonyahanka iyo xirfadleyaasha Soomaaliyeed. Isagoo ummadda ku baraarujiyay inay sameeyaan aqoon kororsi ayna bartaan xirfadaha shaqo ee xiligan loo baahan yahay.

“Soomaaliyada cusub waxay u baahan tahay xoog iyo xirfad shaqo oo dabooli karta baahida shaqaale ee sii kordhaysa. Waxaana ummadda Soomaaliyeed kula dar-daarmayaa inay kordhiyaan aqoontooda iyo xirfadooda si ay ugu sahlanaato inay helaan shaqooyinka ka abuurmaya dalka gudihiisa” ayuu yiri Wasiir Mudey.

hal ku dhiga sanadkan ee 1da may 2016 waxa uu ahaa

“Da’ yarey  dalkiina Jooga, Dooni Raaca Diida”

May day for Somalia 2 May day for Somalia 3 May day for Somalia 4 May day for Somalia 5DG of Minister of labour and Social Affairs 1DG of Minister of labour and Social Affairs 2DG of Minister of labour and Social Affairs 5DG of Minister of labour and Social Affairs 6DG of Minister of labour and Social Affairs 7DG of Minister of labour and Social Affairs May day for Somalia 6May day for Somalia 1 May day for Somalia 7 May day for Somalia 8