Madaxweynaha oo ka qeyb galay Munaasabad loogu dabaal degeyey 1-da May 2016.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal degeyey 1-da May oo ku asteysan maalinta shaqaalaha adduunka.

 

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyey maalinta shaqaalaha adduunka dhammaan shaqaalaha iyo xoogsatada Soomaaliyeed meel walba ay joogaan.

 

“Maanta waxa aan u dabaal dageynaa maalintii shaqaalaha ee 1da May,

waxa aan hambalyeyneynaa shaqaalo weynaha adduunka gaar ahaan shaqaalaha iyo xoogsatada Soomaaliyeed meel walba ay joogaan, oo aan sharfeynaa ragga iyo dumarka, wiilasha iyo gabdhaha Soomaaliyeed ee u taagan in ay dib u soo celiyaan Soomaalinimo iyo mustaqbal lahubo oo xor ah. Ayuu yiri Madaxweynaha.

 

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa yiri “ Shaqo kasta oo wax ku biirineysa mustaqbalkeenna waa mid qiime leh. ninka geedaha qora ee sameeya kursiga aan ku fariisanno, macallinka ku fariista kursigaas oo wax bara caruurteenna, aabaha dukaanka iibiya si ay ubadkiisu iskuul u aadaan dhammaantood waxa ay hayaan shaqo qiimo leh, qiimahaas waxa uu ka imaanayaa hufnaanta shaqadaas loo qabto iyo waxtarka ay uleedahay dhisidda Soomaaliya oo sidan ka sii wanaagsan”

 

Dhanka kale Madaxwyanaha ayaa xarigga ka jaray xarumaha Wasaaradaha Shaqada Arrimaha iyo Bulshadda iyo  Howlaha Guud oo lagu dhisay baaqi ahaa DALKAAGA DHISO. Madaxwnaha ayaa ku ammaan u jeediyey Wasiirada iyo shaqaalaha wasaaradaha dib u dhiska ku sameyey xarunaha labada wasaarad.

 

Ugu dambentii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku amray wasiirada aanan ku shaqeyn xarumahooda inay ku deydaan wasaradaha dib u dhistay xarumahoodii iyo wasaaradaha iyana sidaan oo kale horrey xarumahooda dib u dhiska ugu sameystay.

Madaxweyna May day 2016  1 Madaxweyna May day 2016  2 Madaxweyna May day 2016  3 Madaxweyna May day 2016 0 Madaxweyna May day 2016 4 Madaxweyna May day 2016 5jpg Madaxweyna May day 2016 6 Madaxweyna May day 2016 7 Madaxweyna May day 2016 8 Madaxweyna May day 2016 9 Madaxweyna May day 2016 10 Madaxweyna May day 2016 11 Madaxweyna May day 2016 12 Madaxweyna May day 2016 13 Madaxweyna May day 2016 14 Madaxweyna May day 2016  0