Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo maanta Kulankii ugu horreeyey oo Wadatashi ah la yeeshay Agaasimayaasha Waaxyaha kaasoo ka dhacay xarrunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo maanta Kulankii ugu horreeyey oo Wadatashi ah la yeeshay Agaasimayaasha Waaxyaha kaasoo ka dhacay xarrunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa maanta kulan Wadatashi iyo iswareysi ah la yeeshay Agaasimayaasha Waaxyaha, Kulankaasi oo la xiriira horumarinta iyo wadashaqeynta masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Saalax Axmed Jaamac oo   xog-wareystay Agasimayaasha ayaa waxyaabaha ugu horreeyay uu weydiiyay waxaa kamid ahaa Taariikh-nololeedka Agaasimayaasha waaxyaha iyo xilliga ay kusoo biireen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Kulankani waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Saalax Carmaan, Xoghayaha Joogtada ah Mudane Xasan Shariif Cusmaan, Agaasimaha Guud Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar iyo Agaasimayaasha Waaxyaha.

Wasiirka Wasaaradda oo ka bilaabay Taariikh-nololeedkiisa ayaa inta badan ugu warramay Agaasimayaasha Waaxyaha waayo-aragnimada uu u leeyahay howlaha Adeegga Bulshada.

Wasiirka Wasaaradda ayaa kula ballamay dhammaan Agaasimayaasha Waaxyaha in si daahfurnaan ah ay daacadnimo ku jirto loogu wada shaqeeyo Shacabka Soomaaliyeed Shaqaduna ay ahaato mid loo wada dhanyahay (Transparent) waxuuna u ballan qaaday Agaasimayaasha Waaxyaha in uu la fududeyn doono dhammaan waxyaabihii ku cuslaada xallintooda.

Wasiirka ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in la dhowro waqtiga shaqada lasoo galaayo asigoo tixraacaaya wareegtadii kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ujeedkeeduna ahaa waqtiga Shaqo-galka Shaqaalaha Hay’adaha Dowladda.

wasiir Saalax Axmed Jaamaca