Wasiirka cusub ee Wasaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xildhiban Saalax Axmed Jaamac oo xilka kala wareegay Wasiirkii hore

 Xafladda xil wareejinta oo ay goob joog ka ahaayeen Ra’iisul wasaare kuxigeeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Eng. Mahdi Maxamed  Guled, Wasiirkii hore ee Wasarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Hadana ah Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Barlamaanka  H.E Abdiwali  Ibraahim Muudeey, Wasiirka Cusub Ee Wasaradda Xildhiban Saalax Axmed Jaamac, Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Wasaradda Xildhiban Osman Ibraahim Libaax, Wasiirka ku Xigeenka Cusub Xildhiban Cabdicasiis Saalax Arman, Xoghaya Joogtada Mudane Xasan Shariif Osman, Agaasimaha Guud  Mudane Maxamed Cadde  Mukhtaar, Guddiga Qaranka ee Shaqalaha  Rayidka, Ururuda Shaqalaha Somaliyeed, xildhibaano  iyo Marti sharaf Kale.

Xaflada  Waxaa Furay Wasiir Ku xigeenka Wasaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xildhiban Osman Ibraahim Libaax asigoo ka hadlay in Wasaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee Dulsaar ku aheeyd Wasarado kale eeyna ku shaqeyn Jirtay Labo Qol oo Xafiis ah oo kaliya Hadana Wasaradda ay Leedahay Xarun ay ku shaqeyso Dhismaheeda iyo Qalabkeedana u Dhameystiran yahay

Wasiirkii hore ee Wasaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada H.E Abdiwali Shekh Ibrahim Muudey oo Hadlay Xaflada ayaa sheegay in uu Aad ugu Faraxsanyahay Sida Wanagsan ee Xilwarejinta u dhaceyso in Wasaradda Heerkan ee soo Gaartana eey u sabab aheeyd Shaqaalaha Wasaradda oo aad u dadaalay.

Mudane Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo xilal kale duduwan ka soo qabtay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayaa sheegay in maamulkii hore ay wax badan qabteen kan cusubna looga fadhiyo in uu dar dargeliyo howlaha horyaalla.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in uu halkiisa ka sii wadi doono, isla markaana ka codsaday howlwadeenada Wasaaradda inay gacan ku siiyaan howlaha loo idmaday.

Ra’iisulwasare ku xigeenka Xumuumada Soomaaliya Mahdi Axmed Guuleed ayaa tilmaamay waxa laga sugaayo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo hogaanka Cusub.

Xafladda oo dukumintiyo uu kula wareegay Wasiirka cusub ee Ee Wasaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xildhiban Saalax Axmed Jaamac ayaa ku dhammaatay jawi guul ah

Xil wareejin Molsa 1 xaflada Xil wareejinta MOLSA 9 xaflada Xil wareejinta MOLSA 8 xaflada Xil wareejinta MOLSA 7 xaflada Xil wareejinta MOLSA 6 xaflada Xil wareejinta MOLSA 5 xaflada Xil wareejinta MOLSA 4 xaflada Xil wareejinta MOLSA 3 xaflada Xil wareejinta MOLSA 2 xaflada Xil wareejinta MOLSA 1 xaflada Xil wareejinta MOLSA 0