Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Maanta qaabilay Guddiga kormeerka Shaqaalaha

 Guddigan oo maanta bilaabay shaqadooda kormeerka Shaqaalaha ah oo ugu horreyn soo booqday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada taasoo hormuud ka ah arrimaha Shaqaalaha ayaa kulan ay la yeeshay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdicasiis Saalx Carmaan.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada Maxamed Cadde Mukhtaar, Agaasimaha Shaqaalaha Saciid Aadan Mire, Guddoomiyaha Guddiga Goob Shaqo Maxamed Xuseen Afrax iyo xubno ka socday Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda uu hor kacayey Xoghayaha Guddiga Kormeerka Jaamac Maxamed Xuseen, iyo Xubin Cabdiweli Maxamed Aadan Macalin Janaay.

Wasiir ku xigeenka ayaa soo dhaweeyay kuna dhiirra galiyey hawlahooda kormeer oo ay ka bilaabeen dhammaan hay’adaha dawladda asagoo Wasiir ku xigeenka sidoo kale ku bogaadiyey una sheegay in uu ka caawin doono caqabadihii ay la kulmaan intey wadaan hawlahaan kormeerka ah, waxuuna u sheegay in cabashadooda ay u gudbin doonaan xafiiska ra iisul wasaaraha.

Wasiir ku xigeenka ayaa hadalladiisii waxaa kamid ahaa: “Wareegtada kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waa mid loo baahnaa waxeyna dardargalisay dhammaan shaqaalaha dawladda maadaama dalkeenna ahaa mid burbur ku dhacay wuxuu u baahanyahay in loo shaqeeyo mudo 55 saac ah si uu dib ugasoo kabto burburkii uu ku jiray balse xeerka shaqaalaha ayaa waafaqsan 48saac sida ku xusan xeerka 21 ee sharciga shaqaalaha lr. 11”

Wasiir Carmaan ayaa raaciyey in golaha Wasiirada uu ka sheegi doona xuquuqda shaqaalaha iyo mushaaraadkooda in la joogteeyo wuxuuna intaas raaciyey in wasaarada shaqada ay kusoo biirin doonto gudi kaaba arimaha kormeerka

Guddiga kormeerka ayaa dhankooda u mahadceliyey soo dhaweynta ballaaran uu u muujiyey Wasiir ku xigeenka  iyo sida uu u dhiirra galiyey waxeyna u shegeen in maanta koormeer ku tagaayaan afar Wasaaradood.

Guddigan oo la mgacaabay kaddib wareegtadii kasoo baxday Ra’iisul Wasaaraha ee ku saabsaneyd soo xaadirista shaqada 08:00 ilaa 04:30 ayaa ugu dambeyn Wasiir ku xigeenka waxuu sheegay inay ka shaqeyn doonaan siduu ku hergali lahaa shaqada dowladdana u noqon laheyd mid hufan oo leysku haleyn karo.

 kormeerka Guddiga Shaqaalaha Rayidka 1 kormeerka Guddiga Shaqaalaha Rayidka 2 kormeerka Guddiga Shaqaalaha Rayidka 3 kormeerka Guddiga Shaqaalaha Rayidka 4 kormeerka Guddiga Shaqaalaha Rayidka 5kormeerka Guddiga Shaqaalaha Rayidka 0 kormeerka Guddiga Shaqaalaha Rayidka 6 kormeerka Guddiga Shaqaalaha Rayidka 7 kormeerka Guddiga Shaqaalaha Rayidka 8 kormeerka Guddiga Shaqaalaha Rayidka 9 kormeerka Guddiga Shaqaalaha Rayidka 10 kormeerka Guddiga Shaqaalaha Rayidka 11 kormeerka Guddiga Shaqaalaha Rayidka 12