Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ayaa tababar u furtay Shaqaalaha Hay’adaha Dowladda ee Magaalada Muqdisho

Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ayaa tababar u furtay Shaqaalaha Hay’adaha Dowladda ee Magaalada Muqdisho

 Tababarkani maanta ka furmay xarrunta Jaamacadda Ummadda ee KM4 ayaa waxaa loo qabtay ku dhawaad 100 shaqaale oo ka kala socday hay’adaha dowladda, waxaana iska kaashaday Bankiga adduunka iyo Dowladda Soomaaliya iyadoo lugu baranaayay sare u qaadida xirfadda iyo aqoonta shaqaalaha.

Madashan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhiban Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada hiddaha iyo Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir kaasoo ka hadlay furitaanka Tababarka sheegayna in Tababarkan uu yahay mid lagu xoojinayo aqoonta Shaqaalaha uuna rajeynaayo in la joogteyn doono Tababarradan oo kale.Wasiir Salah Ahmed Jama 0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac hadalladasii ayaa kamid ahaa “Tababrkani waa mid aad ugu muhiim ah shaqaalaha wuxuuna sare u qaadaayaa aqoonta shaqaalaha, waxaana rajeynaayaa inaad dib ula laaban doontaan aqoonta aad ka barateen tababarkan kana faa’ideysan doontaan”.

Muddada uu socon doono tababarkan ayaa waxaa horay loo sheegay inay noqon doonto muddo isbuuc ah sidaa awgeed; Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo had iyo jeer heegan ugu jirta u adeegidda Shaqaalaha Dowladda ayaa waxey u diyaar garowday sidey u taam yeeli laheyd baahida adeeg ee tababarkani muddada uu socdo.

Wasiir Salax Axmed Jama 1

 wasiirka Shaqada oo tababar 3 wasiirka Shaqada oo tababar 5 wasiirka Shaqada oo tababar 6 wasiirka Shaqada oo tababar 8 wasiirka Shaqada oo tababar 10 wasiirka Shaqada oo tababar 13

 Sequence-04.Still006 Sequence-04.Still007.jpg223 Sequence-04.Still00877441110

Sequence-04.Still004