Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo  Wafdi uu hogaaminayay ayaa gaar dalka Kuwait

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan  Saalax Axmed Jaamac iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa ka mid  noqday wafdiga  Soomaaliya ee ka qaybgalaya fadhiga 37aad ee Golaha Wasiirada Carabta  ee Arimaha Bulshada oo ay  martigelineyso dawladda  Kuwait.

Kulanka u soconaya  saddexda maalmood wasiirada Arrimaha Bulshada  Carabta ayaa dib u eegis loogu  sameyn doona arrimo muhiim ah oo ku saabsan hawlaha wadaagga ah ee bulshada iyo horumarinta, gaar ahaan diyaarinta shirarka caadiga ah ee Carabta ee fadhigiisu yahay kii 29aad ee loo qorsheeyay in lagu qabto Boqortooyada Saudi Arabia sanadka cusub bisha soo socota ee March 2018.

Dhinaca kale Shir  waxaa looga hadlayay dhibaatooyinka carruurta Falastiiniyiinta ah ee gabood falka ay u geystaa ciidamada Israel, iyo adkeynta heshiiskii ku saabsanaa ilaalinta  xuquuqda ku shaqaynta caruurta.

 Ugu dambeytii Danjiraha u fadhiya dalka Kuwait Danjire  Cabdulqaadir Amiin Sheekh ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay wasiirka shaqada iyo wafdiga la socday una fududeynayay howlaha shaqo ay u yimaadeen dalka Kuwait.

Salah Jama 1 Salah Jama 2 Salah Jama

kuwait