Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada oo u daah furay Ururada Xiriirka Guud Barnaamijka Wacyi gelinta Shaqaalaha Dowladda sida ay uga qeyb qaadan karaan Hormarka Dalka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  ahna ku simaha  Wasiirka Xildhibaan Cabdicasis Saalax Carman  ayaa maanta  u daah furay Ururada Xiriirka Guud ee Shaqaalaha Dowladda Barnaamijka Wacyi gelinta Shaqaalaha Dowladda sida ay uga qeyb qaadan karaan Hormarka Dalka.

Kullankan ayaa looga hadlayey Wacyi Galinta Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya iyo qaabka ay ugu qeyb qaadan karaan Hormarka Dalka iyo arrimo kale.
Waxaa ka qeyb galay Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda ee Xukuumadda Soomaaliya, waxaana soo agaasimay Ururada Xiriirka Guud ee Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya.

Nuur Axmed Diiriye Gudoomiye ku xigeenka Ururka Shaqaalaha Dowladda iyo C/risaaq Macalin Cilmi Gudoomiyaha Ururka Shaqaalaha Dowladda ayaa si-dajir ah u sheegay in loo baahan in Shaqaalaha Dowladda inay si-waagsan ula socdaan Waajibaadka lagu leeyahay iyo kan iyagu leeyiin.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshadda ee Xukuumadda Maxamed Cadde Mukhtaar ayaa sheegay in Shaqaalaha Dowladda laga rabo inay qeyb ka qaataan wax soo saarka Dalka iyo kobcinta Dhaqaalaha Dalka.

“Waxaan ka rabnaa Shaqaalaha Dowladda inay qeyb ka qaataan wax soo saarka dalka iyo Kobcinta Dhaqaalaha Dalka taas ayaana Muhiimad Gaar ah noo leh runtii waxaa ay shaqaaluhu ku soo shaqeeyeen xili adag balse hadda meel wanaagsan ayey marayaan”.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshadda ee Xukuumadda sidoo kalena ah kusimaha Wasiir C/casiis Salaax Armaan ayaa waxaa sheegay haddii siwada jir ah loo shaqeeyo badan toosayaan sidoo kale Shaqaalaha Dowladda xil iska saaraan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen sugidda Amaanka Dalka iyo Difaaciisaba.

“Waxaan qabsan karnaa wax badan hadii aan u waddo shaqeyno siwadajir ah, waxaa kale oo nagala rabaa in aan qeyb ka qaadano Amaanka Dalka iyo Difaaciisaba taas ayaana muhiim inoo ah meel kasta oo aaan joogno”.

Barnaamijkan ayaa waxaa uu socon doonaa muddo Seddex Bilood ah sidda uu Qorshuhu yahay waxaana lagu qaban doonaa Xarumaha kala duwan ee Wasaaradaha Xukuumadda, Iyadda oo Maanta lagu qabtay Xarunta Acedemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta.

 

SPWU 0

SPWU 1SPWU 5 SPWU 2 SPWU 6