Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS ayaa Kormeer Howleed Ku Tagay Xarunta Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda (GQSHRD)

Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS Mudane Dr Maxamed Cilmi Ibraahim oo arrimo shaqo u tagay xarunta Guddiga ayaa la kulmay masuuliyiinta Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda.

Wasiirka Wasaaradda Dr Maxamed ayaa warbixin ku saabsan Maamulka & Maareynta Shaqaalaha Rayidka ka dhegaystay Kusimaha Guddomiyaha ahna Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda (GQSHRD) Mudane Cali Muumin Muudey oo ay weheliyaan qaar kamid ah xubnaha Guddiga ee manta ku soodhaweeyey xafiiska Guddiga.

Wasiirka Wasaaradda iyo Guddoomiye Kuxigeenka GQSHRD oo kulan gaar ah yeeshay ayaa ka wadahadlay arrimaha hortebinta u leh dib u habeynta iyo shaqaalaha Dawladda.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa kormeeray sida ay u socdaan howlaha tirakoobka shaqaalaha aan joogtada ahayn isagoo warbixin ka dhegaystay Guddoomiyaha Guddiga Tirakoobka Shaqaalaha Mudane Axmed Maxamed Xasan , sida uu u socdo tirakoobka. Dhinaca kale, Wasiir Dr. Maxamed ayaa kormeeray qaar ka mid ah Xafiisyada Guddiga.

Ugu danbeyn Wasiir Dr. Maxamed ayaa boogaadiyay habsami u socodka howsha tirokoobka ee shaqaalaha aan joogtada aheyn iyo sida Guddiga Shaqaalaha uu ugu howlahan yahay arrimaha maamulka iyo maareynta shaqaalaha.