Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr Maxamed Cilmi ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Guddiga Hagidda mashruuca ee (SEIP)

Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr Maxamed Cilmi ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Guddiga Hagidda mashruuca kor loogu qaadayo tababarrada xirfadaha dhallinyarada iyo shaqo abuurka ee (SEIP) oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay in la horumariyo aqoonta aadanaha iyo xirfadaha si wax looga qabto dhibaatada shaqo la’aanta ah ee ay wajahayaan dhalinyarada Soomaaliyeed iyadoo yoolka uu yahay in la gaaro barwaaqo iyo sinnaan bulshada dhexdeeda ah..

inta uu kulanka socdey wasiirka wuxuu yiri ( Mashruucan waa mashruuc qaali u ah wasaarada inkastoo mashaaricdaan noocan oo kale dalka aad ugu yaryihiin marka loo eego baaxada dalkeena maanta uu la egyahay iyo baahida loo qabo mashaariicdan noocan oo kale, waanu ognahay in wadanku 30 sano burbur ku jirey, waxaa burburey kaabiyaashii dhaqaalaha iyo waxkasto ay maanta bulshadu ka heli laheyd dhaqaale).