Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa lagu xusay Maalinta Shaqada Hufan ee Adduunka oo sanad walba maanta oo kale Caalamka laga xuso.

Soomaaliya oo laga xusay maalinta caalamiga ah ee shaqada Hufan
Munaasabad ballaaran oo lagu qabtay magaalada Muqdisho 7da oktoobar 2023, ayna soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa lagu xusay Maalinta Shaqada Hufan ee Adduunka oo sanad walba maanta oo kale Caalamka laga xuso.

Waa markii ugu horeysay oo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay u dabaaldegto xuska maalinta caalamiga ah ee Shaqada Hufan, waxana soo qaban qaabisay Waaxda Shaqada iyo Shaqo Abuurka Wasaaradda taas oo dadaal iyo juhdi badan ku bixisay sidii loo weyneyn lahaa maalintan caalamiga ah.

Sanadkan ee 2023 ayaa halku dhag looga dhigay xuska maalinta shaqada Hufan “Waa Xiligii Shaqo Abuurka Soomaaliya”.(It’s Time for Job Creation in Somalia)
Xuskan oo maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xil. Cismaan Libaax Ibrahim, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Yuusuf Xasan Isaak iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay ayaa ugu hambalyeeyay shaqaalaha Soomaaliyeed iyo kuwa ku kala nool daafaha caalamka xuska maalinta shaqo Hufan.

Sidoo kale waxaa si kooban uga hadlay Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqo Abuurka Md. Siciid Aadan Mire oo ka sheekeeyay qabanqaabada ay sameeyeen isaga iyo mas’uuliyiinta kala howlgala Xarunta Qaranka ee Adeegga Shaqaalaha Soomaaliyeed. Agaasime Salaad Xuseen Cabdulle Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Cilmi-baarista ayaa isagana faah faahin ka bixiyay muhiimada maalintaan iyo marxaladihii ay soo martay.

Mr. Sakariya Cabdi Xaashi oo ah Maamulaha Xarunta Qaranka ee Adeegga Shaqaalaha ayaa soo diyaariyay (Presentation) Warbixin Cajiib ah oo ku saabsan Marxaladihii ay soo martay iyo ansixinta ay dunidu isku raacday in la xuso Maalinta maalinta shaqada Hufan ee aduunka.

Ugu danbayntii Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xil. Cismaan Libaax Ibrahim waxa uu aad ugu dheeraaday qiimaha ay leedahay maalintan, wuaxuuna yiri “ munaasabadan waxay ku soo beegantay Xiligii Shaqo Abuurka Soomaaliya uu ka hirgali lahaa dhammaan Gobola dalka, isla markaana ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada u diyaarisay Sharuuc iyo habraac lagu ilaalinayo xuquuqda shaqaalaha”. Waxa uu intaasi ku daray in marka hore ay tahay in shaqo abuur laga sameeyo dhanka farsamada gacanta. wuxuuna hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO