Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ka qeybgashay Shirka Caalamiga ah ee Istatistikada Shaqaalaha Adduunka.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Muddane: Yusuf Hassan Isak ayaa magaalada Geneva ee Dalka Switzerland kaga qaybgalay shirka Caalamiga ah ee Istatistikada Shaqaalaha Adduunka, (International Conference of Labour Statistics), kaasi oo socon doona ilaa 20-ka bishan October, 2023.

Shirkan ayaa ujeedkiisu yahay sidii xoogga loo saari lahaa Istaatistikada saxda ah ee shaqaalaha iyo deegaannada ku haboon shaqada, iyada oo ay ku beegan tahay boqol sanno guuradii kasoo wareegatay (Dejinta Xeerka Istatistikada Shaqaalaha Adduunka).

Shirkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Dhammaan Dawladaha Caalamka ee ka shaqeeya Istaatistikada shaqaalaha, Khuburo ka socda Hay’adaha Istaatistikada Adduunka iyo Ururada u dhaqdhaqaaqa Arrimaha shaqada iyo shaqaalaha.

Madashan ayaa waxaa martigelisay (Ururka Shaqaalaha Adduunka ee ILO).