Wasiirka wasaarada shaqada oo shir la qaatay qabiirada ku hawlan sharcigs shaqaalaha rayidka L.11

Shir looga arinsanayay dhameys tirka qorista sharciga shaqaalaha rayidka L.11 oo dhexmaray Hay,adda UNDP iyo  mas’uuliyiinta Wasaaradda Shaqa iyo Arrimaha Bulshada ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Shirka waxaa gudoominayay Wasiirka wasaaradda Xil. Saalax Axmed Jaamac  waxaa kasoo qeyb galay  Lataliyeyaasha wasaarada , Agaasimayasha waaxyahay , Daahir Xasan  Guutaale oo ah qabiirka dhanka wasaarada u xil saaran dib u habeynta qorista sharciga iyo Giulio de Tommaso oo ah qabiir UNDP-da usoo xilsaartay dib u qorista sharciga shaqaalaha rayidka ee Dowladda ee L.11 oo muddo lix maalmood ka shaqeynay ay dhameeystirka.

Qabiirada ku hawlan dhameystirka sharcigaan ayaa sheegay In lasoo gabagabaynayo sharciga 31 october bil ka dib,ansixinta shirka ka dib waxaa la qaban doona work shop soconaayo labo maalmood oo loo qabanaayo shaqaaalaha dawlada  waxaana li isla gartay in loo sameyn doono sharci hoosaad kaasoo ku xiran is waafajinta  dastuurka qaran qabyada ah .

 Waxaa sidoo kale qabiiradaan sharaxaad ka bixiyeen cutubyo dhawr ah oo uu ka  mid ahaa (calcifications)  kala cadaynta heerka shaqaalaha darajooyinkooda.

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac oo ahmiyada weyn saarayay dhameystirka sharciga L11 ayaa bogaadiyay wax ay qabteen qabiirada waxuuna sheegay “ sharcigan wa muhiim in la dadajiyo dhameestirkiisa markuu soo dhamaado sharcigaan waxaa la horgeyn doona golaha wasiirada  ugu dambeyn  bisha dhalaneysa 31 october 2017 si loo ansixiyo “

Wasaarada shaqada ayaa dadaal dheer ugu jirto sidii ay u dardar galin leheed dib u habeenta sharciga shaqaalaha rayidka L.11

pr molsa law 11 pr molsa law 4 pr molsa law 3 pr molsa law 2 pr molsa law 1 pr molsa law 0