Wasaaradda SHaqada iyo Arimaha Bulshada oo dib u bilawday dhameystirka Sharciga shaqaalaha rayidka Dowladda L.11 .  

Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada oo dib u bilawday dhameystirka Sharciga shaqaalaha rayidka Dowladda L.11 .

 Shir looga arinsanayey dardar gelinta dhameystirka dib u habeynta lagu waday sharciga shaqaalaha Rayidka ee dowladda Lr.11 ayaa maanta ka furmay xarunta dhaxe ee wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada magaalada Muqdisho.

Waxana shir gudoominayay  Agaasimaha Guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada mudane Maxamed Cadde Mukhtaar, waxaana  shirka goobjoob ahaa  lataliyeyaasha iyo  Agaasimayaasha  waaxyaha  wasaaradda iyo  xubno uu hor kacayay Giulio de Tommaso oo ah qabiir UNDP-da usoo xilsaartay  dib u qorista sharciga shaqaalaha rayidka ee Dowladda.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dardargaliyo dhameystirka sharciga shaqaalaha rayidka L.11 .

Dhanka kale waxaa la falan qeynaayey qormooyinka  ay soo saaren lataliyayaasha iyo qabiirada UNDP, Lataliye  Daahir Xasan  Guutaale ayaa yirir “ sharcigaan waa muhiim waxaan rajaynaa in uu u dhameystirmo sidii loogu tala galay waxaan gudoomiye u ahay guddi loo  magacaabay  ka shaqeyta dhameystirka sharciga shaqalaha rayidka L.11 “.

Giulio de Tommaso oo ah qabiir UNDP-da usoo xilsaartay dib u qorista sharciga shaqaalaha rayidka ee Dowladda  L.11  ayaa sheegay in uu dardargalin doono dhameestirka sharcigaan waxuuna yiri “maadaama aan mudo dheer  ku hawlanaa qorista iyo Erey bixinta  Wax ka Beddelidda Sharciga Shaqaalaha Rayidka si waafaqsan  sharuucda caalamka ee shaqada iyo shaqaalaha ayaan rajeynayaa in aan goor dhaw soo dhameystiro”.

Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac iyo Hay’ada UNDP ayaa wada hadal dheer ka dib isla garteen in la dardar galiyo dhameystirka sharciga L.11.

dib u habeynta sharcigaan ayaa waxaa hore u daahfuray ama bilaabay wasiiradii hore ee wasaarada shaqada sanadkii 2015 waxaana haatan socota   hawlaha dhameystirka  sharciga shaqaalaha rayidka ee Dowladda  L.11 oo casri ah.

Fiiri Lifaaqa oo Riix Links hoose

http://molgov.so/ministry-of-labor-sets-cornerstone-for-somali-civil-service-reform/

 

http://www.so.undp.org/content/somalia/en/home/presscenter/pressreleases/2015/09/14/ministry-of-labor-sets-cornerstone-for-somali-civil-service-reform.html

Civil Service Law Amendment Process 0 Civil Service Law Amendment Process 01 Civil Service Law Amendment Process 1 Civil Service Law Amendment Process 2 Civil Service Law Amendment Process 3 Civil Service Law Amendment Process 4 Civil Service Law Amendment Process 5 Civil Service Law Amendment Process 6 Civil Service Law Amendment Process 7 Civil Service Law Amendment Process 8 Civil Service Law Amendment Process 9 Civil Service Law Amendment Process 10 Civil Service Law Amendment Process 11