Warbixin Tababarkii administarationka IOM

Ku: Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda

 Og: Wasiir ku xugeenka Wasaaradda

 Og: Wasiirka Wasaaradda  

 Ujeedo: Warbixin Tababarkii administarationka IOM

Fadlan Riix links  Warbixin Tababarkii administarationka IOM

 Mudane!

Waxaan halkaan kuugu soo gudbinayaa tababar dhawaan loo soo xiray shaqaale 5 Wasaaradood, Taariikhdu markey aheyd 29 july-2 ogt 2017 oo ay hogaamineysay Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, Shaqaalaha ka faaiideystay tira ahaan waxay dhammaayeen 16 shaqaale kuwaas oo ka kala socday,

  • Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada,
  • Wasaaradda arrimaha gudaha,
  • Wasaaradda Waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare,
  • Wasaaradda qorsheynta
  • Wasaaradda haweenka

Tababarkaan waxaa fury Agaasimaha Tababarada Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada waxa uu sheegay in tababarkan  wax badan ka tari doono tayeeynta shaqaalaha iyo kor u qaadista garaadkooda shaqo lana  qaban doono tababarro noocaan oo kale ah.

Waxaa kale uu sheegay in tababarkan uu noqon doono mid joogta ah oo shaqaalaha ay ka faaiideystaan waxa uu aad ugu mahad-celiyey Hay’adda IOM iyo Ha’adda Iftiin Foundation oo si fiican u wada shaqeeyeen.

 Warbixin Tababarkii administarationka IOM 1

.Tababarkaan ayaa lugu baranaayey maamulka Mashaariicda  (PROJECT ADMINISTRATION) waxaana sare loogu qaadayey heerka aqooneed ee shaqaalaha,iyadoo lugu baranayey casharo  muhiim u ah,  Sida loo qaado Minitka, filling  system , iyo sida uu muhiimka u yahay,(data manegment)

 Warbixin Tababarkii administarationka IOM 2

Siminaarka waxaa iska kaashanayey hay’ada IOM iyo Wasaarada shaqada MOLSA waxaana fududaynaysay hay’ada IFTIIN FOUNDATION oo dadaal badan ku bixisay casharada lugu baranaayey siminaarka, C/QAADIR NUUR ABUU oo ka mid ahaa IFTIIN FOUNDATION ahna barayaashii tababarka bixinaysay ayaa yiri “waxaan ku faraxsanahay tababarkaan in uu noogu soo dhamaado si wanaagsan waxaana ardayda ku baraynay casharo aad muhiim ugu ah shaqada ay ka hayaan xafiisyada dawlada ciwaanada aan ku bixinay siminaarkaan waxaa lugu bartaa 1 Semester,  Waxaan ku dadaalnay in aan ku bixino 5 Maalmood si ay ugu dabaqaan casharadii ay barteen “.Agaasimaha Tababarada Ismaaciil Macallim oo dowr ka qaatay sidii uu u hirgeli lahaa tababarkaan ayaa ka hadlay gabagabadii tababarkaan wuxu yiri “ Mudo dheer ayaan soo dharaandhirinay in shaqaalaha dawladda  aan u qabano tababarkaan  aqoon kororsiga ah dadaal dheer ka dib waan ku guulaysanay in uu hirgalo tababarkaan waxaan u Mahad-celinaa Hay’adda iftiin foundation oo fududeysay  qabsoomidda tababarkaan”.

 Warbixin Tababarkii administarationka IOM 3

Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Xasan Shariif Cusman ayaa tababarkan u soo xiray qaar ka mid ah shaqaalaha rayidka ee dowlada Soomaaliya waxaana uu ka hadlay Muhiimadda uu leeyahay Tababarka noocaan oo kale ah , Waxaana uu u mahadceliye dhammaan Hay’adaha aan kor ku soo sheegnay.

Waxaana uu shaqaalaha kula dar daarmay in ay uga faa iideeyaan walaalahooda goobta shaqo oo aan helin fursaddaan waxbarasho ee aad hesheen,

Mar labaad waxaan u mahad celinaa agaasimaha tababarrada wasaaradda iyo hey,adda iftiin oo aad ugu dadaalay gudashada waajibkooda waxaana leeyahay guuleeysta dadaalkiinana sii wada.

 Warbixin Tababarkii administarationka IOM 4

(Photo group) kii geba gebada  tababarka soo xirmay

Wada shaqeen wacan.

 Ismaciil Macalin Cabdulahi

Agaasinka Waaxda Tababarada