Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka heerka wasiir ee waddamada Bariga iyo Geeska Afrika

 

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ,Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya kaga qaybgalay shirka heerka wasiir ee waddamada Bariga iyo geeska Afrika.

Shir gobolleedka heerka wasiir oo markii saddexaad qabsoomaya ayaa looga hadlay iswaafajinta siyaasadda socdaalka shaqaalaha, iyadoo Wasiirka Cabdiwahaab Ugaas Xuseen uu ka jeediyay khudbad la xiriirta arrimaha shirka looga hadlay.

“ Muhiimad ayuu u leeyahay waddamada gobolka shirkan… Soomaaliya waxay si la arki karo u muujiyay ka go’naashiha in xal loo helo dhibootooyinka ay la kulmaya Dadka shaqo doonka ah ee dibadda u socdaallaya. “ ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab.

“ Waxay golaheenna wasiirrada ansixiyeen hab-raaca socdaalka shaqaalaha , taa oo aan dhaqangalinnay.” ayuu ku daray , isagoo marka xaqiijiyay Dawladda Soomaaliya inay taageerrayso iswaafajinta siyaasadda socdaalka shaqaalaha waddamada gobolka , wuxuuna u mahadceliyay Dawladda Kenya oo shirka martigalisay, Hay’adda soo qaban qaabisay ee socdaalka Adduunka (IOM) iyo ururrada gobolka.

Wasiirrada heer gobol ee Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , ayaa si rasmi ah u saxiixay baaq wadajir ah oo ku aaddan dedejinta iswaafajinta siyaasadda socdaalka shaqaalaha. Itoobiya ayaa sidoo kale la wareegtay shir guddoonka oo ay horay u haysay Kenya.

Shirka oo socday muddadii u dhaxaysay 28 March ,2022 iyo 1 April, 2022 ee Jimcaha maanta oo la-soo gabagabeeyay ayaa waxaa ka qaybgalay wakiillo farsmo oo ka socday hay’adaha Dawladda Soomaaliya ee siyaasadda ay quseyso iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya , Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali , iyadoo munaasabadda xiritaanka uu goobjoog u ahaa Safiirka Dawladda Soomaaliya ee Dalka Kenya , Amb. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
—Dhammaad-