Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo booqday safaaradda Soomaaliya ee Dalka Masar

 

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo socdaal shaqo ku jooga Dalka Masar ayaa booqday safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku taal magaalada Qaahira.

Safiirka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Ilyaas Sheekh Cumar iyo diblumaasiyiinta ayaa ku soo dhaweeyay Wasiirka xarunta safaaradda.
“Wasiir ku soo dhawoow gurigaaga, anniga iyo diblumaasiyiintuba waxaan xoogga saarnay xaruntan inay muujiso doorkeedii,iyadoo la xoojinayo iskaashiga iyo xiriirka labada dal.” ayuu yiri Danjire Ilyaan Sh. Cumar.

 

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Mudane Cabdiwahaab Ugaas ayaa boggaadiyay dhankiisa howlaha muuqda ee safaaradda ay u heyso qaranka, wuxuu sheegay in safaaradda Qaahira ay tusaale u tahay dib usoo kabashada dalka.“ Waxaan halkan sheegi kara inan ku arkay safiir iyo diblumaasiyiin muujiyay doorkoodii, waxaan idin kaga mahadcelin sida aad u dhowrteen qarankiina dib u dhiska iyo hannaanka wanaagsan ee shaqada ay ku socoto ayaan sidoo kale ku boggaadin safiirka.” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab.

“ Waxaa nasiib ah in loo shaqeeyo Qaranka waa fursad uusan qof walba haleeli karin, dhinaca Wanaagsan fursadaa aan uga faa’iideysano.” ayuu ku daray.Wasiir Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa u jooga Dalka Masar ka qeybgalka shir weynaha 47aad ee Shaqaalaha waddamada Carabta, kaaso sii soconaya tan iyo dabayaaqada toddobaadkan.