Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo Shaqaalaha faray in marxaladda hadda lagu jiro ee Doorasho inaysan saameyn ku yeelan.

 

Muqdisho, September, 15, 2021 – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo maanta kullankii toddobaad lahaa la qaatay agaasime waaxeedyada Wasaaradda, ayaa faray in la dardargaliyo howlaha Shaqo ee Shaqaalaha Dawladda , iyadoo laga fogaanayo marxadda Doorasho ee Dalka uu ku jiro inay saameyn ku yeeshaan adeegyada Qaranka iyo muwaadiniinta ay u hayaan Shaqaalaha Rayidka.

Wasiirka ayaa sidoo kale faray Shaqaalaha Dawladda inay qaataan tallaalka Covid-19 ,oo si rasmi ah loo daahfuray 21 bishii August.

“ Agaasimayaasha waxaan farayaa inay hubiyaan heerka shaqo iyo soo xaadirid ee Shaqalaha si loo dardargaliyo shaqada muhiimka ah ee Dalka ay u hayaan.” ayuu yiri wasiir Cabdiwahaab Ugaas oo inta ku daray “ Shaqaalaha waa inay oggaadaan si looga hortaggo faafida COVID-19 inay qaataan tallaalka.”

Mudane Cabdiwahaab Ugaas , wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa sidoo kale ka warbixin safar shaqo oo u dhawaan ku tagay Dalka Masar, halkaa oo u kaga qeybgalay shirka heerka wasiir ee Shaqada waddamada Jaamacadda Carabta ee socday 5 ilaa 10 bishan September , wuxuu xaqiijiyay shirka inta uu socday inuu sidoo kale kullumo dooceedyo la qaatay wasiirrada dhiggiisa ah ee dalalka Jaamacadda Carabta.

“ Shirkaa wuxuu ahaa mid miro dhal ah , waxaa barbar socday kulamo aan la qaatay wasiirrada oo si isku mid ah noogu xaqiijiyay inay diyaar u yihiin door muuqda inay ka qaataan dadaallada shaqo abuur iyo horumarin.” ayuu yiri.

Gabagabada, wuxuu Wasiirka u mahadceliyay safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Masar iyo doorkii farsamo ee muddadii uu socday shirka iyo kullamo dooceedyada.