Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo booqday Gudoomiyaha Guddiga Sare Munazzamat Al Dawa ee Magaalada Doha dalka Qatar

Muqdisho, Janaayo 26, 2021- Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duran Axmed Faarax oo booqasho saddex maalmood ah ku joogay magaalada Doha ee dalka Qadar, ayaa booqasho sharafeed Fadhigiisa ugu tagay Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Munazzamat Al Dawa Al Islaamiyya Mudane Sheekh Cabdiraxmaan Aala Maxamuud oo casho sharaf ugu sameeyay Xarunta Munazzamat Al Dawa ee Magaaladda Doha, Qatar

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga iyo taakuleynta dadka nugul ee baahiya gaarka qaba, si logu helo Mashaariic kala gedisan oo lagu horumarinayo Arrimaha Bulshada Soomaaliyeed.

“Kulankan wuxuu muhiim u ahaa dadaalada aan ku doonayay inaan ku xoojino Xiriirka hay’adaha Samafalka iyo deeq bixiyaasha dalka Qatar”. Ayuu yiri Wasiir Duraan.

Wasiirka Duraan waxa safarkiisa ku weheliya masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, isagoo inta uu joogay kulamo la soo qaatay madaxda sare ee dalka Qatar