Ku simaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Xilka u kala wareejiyay Agaasimayaasha Waaxyaha

WSHAB: 27/01/2021 Agaasimaha cusub ee Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Safiya Abuukar Maxamuud (Karaani) ayaa saaka xilka  lagu wareejiyay  , ayadoo xilka kala wareegtay Agaasimihii hore ee Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Cabdullaahi Jibriil Cali.

xil-wareejinta loo sameeyay Agaasimaha cusub ee Maamulka iyo Maaliyadda waxaa goobjoog ka ahaa Sii hayaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada  iyo Arimaha Bulshada Mudane Cabdi Axmed Qaasim, Agaasimayaasha Waaxyaha iyo Shaqaalaha Wasaaradda, marti sharaf iyo agaasimaha cusub ee loo magacaabay Xilka.

Ugu horeyn waxaa munaasabada hadal kooban ka jeediyay Agaasimihii hore ee Maamulka iyo Maaliyada Mudane Cabullaahi Jibril Cali isagoo tilmaamay muhiimada mudadii uu ahaa Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda. “Waxaan ku faraxsanahay inaan ku wareejiyo xilka Agaasimaha cusub ee Maamulka iyo Maaliyadda Marwo Safiyo Abuukar Karaani,” ayuu yiri Cabdullaahi Jibriil Cali.

Sidoo kale Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Marwo Safiyo Abuukar Karaani oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa ugu baaqday mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda inay si dhow ula shaqeeyaan.

Ku simaha  Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada Mudane Cabdi Axmed Qaasim oo ka hadlayey gabagabadii xafladda xil-wareejinta ayaa yiri, “Waxaan tixgelinayaa warqadda Summadeedu tahay WSHAB /XW/107/2021 –TR. 21/01/2021, ujeedada aheyd  Magacaabis Xilal  ee ka soo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda  Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DFS Mudana Duraan Axmed Faarax.” “Shirka  maanta ujeedadiisuna waxey tahay in aan isku  xil-wareejino Agaasimayaasha waaxyaha oo laysku badalayo Agaasimaha waaxda Maamulka iyo Maaliyadda.” sidaana waxaa sheegay Wasiiru Dowlaha.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ayaa ku booriyay dhamaan shaqaalaha inay la shaqeeyaan agaasimayaasha waaxyaha ee dib loogu meeleeyay waaxyaha,  waxuuna yiri “waa lagama maarmaan in agaasimayaasha iyo shaqaaluhu ay ku soo xaadiraan goobta shaqada waqtiga loogu talo galay si ay qiil ugu helaan mushaharkooda uguna shaqeeyaan bulshada Soomaaliyeed.”

Xaflada Xil-wareejinta  Agaasimayaasha Waaxyaha  ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa ku idlaatay jawi farxadeed iyo balanqaadyo wada shaqeyn ah.

—Dhammaad—