Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kulan la yeeshay Guddiga Dib-u-habeynta Sharciga Shaqaalaha Rayidka L11.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada H.E. Cabdicasiis  Saalax  Carmaan ayaa maanta qaabilay  Xubnaha Guddiga Dib-u-habeynta Sharciga Shaqaalaha Rayidka L11. oo uu hogaaminayay Madaxa Guddigaasi Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar, ayna ka qeyb ahaayeen Kuxigeenka Madaxa Guddiga Mudane  Xasan Abshirow Maxamed, Lataliyeyaasha Wasaaradda Shaqada iyo Xubno kale oo ka tisan Guddiga.

 

Kulankan oo ka dhacay xarrunta Wasaaradda Shaqada & Arr. Bulshada  waxaa  ugu horeen hadalka daahfuray Guddoomiyaha Guddiga ahna Agaasimaha Guud  Wasaaradda  shaqada Maxamed Cadde Mukhtaar, kaasoo warbixin ka siiyay Wasiir ku xigeenka halka ay mareyso howsha Sharcigan kuna soo dhaweeyay madasha Guddiga ay kaga shaqeynayeen Dib-u-habeynta Sharciga Shaqaalaha Rayidka L11.

Warbixin kaddib, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Xil. Cabdicasiiz Saalax Carmaan ayaa uga mahadceliyay Guddiga Dib-u-habeynta sharciga Shaqaalaha Rayidka  waxuuna yiri:
“Waxaan aad idinka mahadcelinaayaa ka shaqeynta hagar la’aaneed ee Dib-u-habeynta Sharciga Shaqaalaha oo aan dooneyno in uu naga soo idlaado, si aan u horgeyno masuuliyiinta Dowladda, gaar ahaan Golaha Wasiirrada iyo Baarlamankaba, taas oo ah howl aad u baaxad weyn oo idinka leydiin xilsaaray annagana aan idiin la garab taagan nahay ka qeybqaadashada dhammeystirkiisa”.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Waxuu sidoo kale uga mahadceliyay Warbixinta laga siiyay Dib-u-habeynta Sharciga iyo heerarka uu soo maray, asagoo ku booriyay iney soo gudbiyaan mar kasta waxii warbixin ah oo ku saabsan nidaamyada iyo siyaasadaha ay ku shaqeyso Wasaaraddan, waxuuna xusuusiyay Guddiga inuu Sharcigan ahaado mid la horgeyn karo Qaranka loogana bixi karo dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya.

Pr Molsa sharci L11 1 Pr Molsa sharci L11 2 Pr Molsa sharci L11 3  Pr Molsa sharci L11 5 Pr Molsa sharci L11 6 Pr Molsa sharci L11 7 Pr Molsa sharci L11 8 Pr Molsa sharci L11 9Pr Molsa sharci L11 4