Guddiga dib u habeynta sharciga shaqaalaha raydka L.11 oo la hawl geliyay

Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo mudo dheer ku hawlaneyd dib u habeynta sharciga shaqaalaha rayidka  ayaa dib u magacaabis ku samaysay gudiga dib u habeynta sharciga shaqaalaha Rayidka ee L11 oo in mudo ah shaqadoodii hakad soo dhex galay, sababtuna aheyd isbadalka siyaasadii dalka ee doorashooyinka  iyo xukuumada Cusub, wasaaradana waxaa ku soo magacaabay wasiir cusub oo halkaa ka sii wada hawlahii loo igmaday wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada.

Wasaaradda shaqada oo ay sharcigan iska kaashanayeen UNDP ayaa laga  sugayay in dib loo soo magacaabo guddi halkii ka sii ambaqaada dib u habeynta sharciga shaqaalaha raydika ah L11.

Wasiirka wasaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xil. Saalax Axmed Jaamac ayaa  wareegto ku magacaabay guddiga dib u habeynta sharciga shaqaalaha raydika oo gaaraya 10 xubnood oo uu gudoomiye u yahay  Agaasimaha guud ee Wasaaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar halka uu gudoomiye ku xigeen ka yahay Xasan Abshirow Maxamed gudoomiyaha  guddiga Qaranka ee shaqaalaha rayidka  Dowladda,  xubnaha kalena ay ka yimaadeen wasaaradaha dowladda federaalka ah sida Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda cadaalada , xafiisyada Xeer ilaalinta guud, Garyaqaanka Guud  iyo la taliyayaasha Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Saalax oo shir gudoon ka ahaa kulankii ugu horeeyay ee ay la fadhiistaan gudigan loo saaray sharciga shaqaalaha rayidka ayaa u mahad celiyay xubnaha gudigaas uu magacaabay wuxuuna ku yidhi “waxaan idiinka mahad celinayaa hawlihii aad hore uga soo qabateen dib u habaynta sharciga shaqaalaha Rayidka ee L11. Aniguna waxaan nasiib u yeeshay dhameystirkiisa inaan idin kala shaqeeyo, waxaan doonayaa  ugu dambayn 02:11:2017 in la hor geyn doono golaha wasiirada, muddo bil ah ayaa inoo  harsan waxaan ka shaqeyn doonaa sidii aynu cid walba uga qancin lahayn sharcigan gaar ahaan dawlad goboleedyada iyo hayadaha gacanta ka geystay dhameystirka sharcigan sida UNDP ,WORLD BANK, EU, iyo USAID  waxeynu isugu imaan doonaa shir aynu ku soo bandhigayno aragtiyaha kala gedisan ee laga qabo sharcigan  kaas oo dhacaya taariikh  17:Oktoobar 2017” sidaana waxaa yidhi  wasiir  Saalax  Axmed Jaamac.

Gabagabadii shirka ayaa waxay xubnaha guddiga  oo ku faraxsan dib u magacaabista iyo shirka ay la qaateen wasiirka wasaaradda Shaqada  waxey balan qaadeen inay u shaqayn doonaan si hufan mudada loo cayimay oo ah halka bil inay ku soo dhameystiri  doonaan sharcigaan lagu dhaqi doono shaqaalaha rayidka ee dowladda Soomaaliyeed.

PR Molsa Magacaabid 11

PR Molsa Magacaabid 0PR Molsa Magacaabid 10PR Molsa Magacaabid 3 PR Molsa Magacaabid 1 PR Molsa Magacaabid 2  PR Molsa Magacaabid 4 PR Molsa Magacaabid 5 PR Molsa Magacaabid 6 PR Molsa Magacaabid 7 PR Molsa Magacaabid 8 PR Molsa Magacaabid 9