Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada oo soo Xiray Seminar 2 Maalmood Socday

Osman Libah deputy ministry of labor & social AffairsWasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada oo soo Xiray Seminaar ay ka soo qeyb galeen xubno ka kala socday  hey`adaha Shaqaalaha Dalka oo kala ah, Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka, Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Guddiga Shaqaalaha Rayidka,Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xiriirrada Ururrada Shaqaalaha, Rugta Ganaciga, UNDP iyo khuburo ku xeel-dheer Arrimaha Shaqada oo Soomaali iyo Ajaanib is ku jiray  ayaa maanta Saminaar  u soconayey mudo 2 cisho ah loogu soo gab gabeeyey Hoolka shirarka Garoonka Diyaarada Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

 

Siminaarka  oo ahaa mid ku salaysan sidii wax looga badali lahaa wax na loogu dari lahaa sharciga Shaqaalaha Dowladda ee L11,    Islamarkaana ay ku baranayeen qaabka casriga ah ee ku haboon wax ka badalka sharuucda ayado oo la waafajinayo xeerka dalka u degsan iyo kan  caalamka, kaas oo ah nidaam loogu tala galay in lagu horumariyo sharciga shaqaalaha Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada mudane Cusmaan Libaax Ibraahim  oo xiritaankii Siminaarka  ka hadlay ayaa uga mahad caliyay dhammaan ka soo qeyb galayaasha, sheegayna in saminaarka uu ahaa mid loogu tala galay in ay Shaqaalaha dowladda  kaga gudbaan nidaamka hadda ay u adeegsadaan sharciga Shaqaalaha L11 sidii loo hormarin lahaa.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada mudane Cusmaan Libaax Ibraahim oo si rasmi ah u soo xiray Saminaarka  ayaa ku tilmaamay in uu yahay  mid faa’iido u leh Shaqada iyo shaqaalaha  Dowladda, ka qayb gelayaasha fursada u helay  looga baahan yahay in ay uga faa’ideeyaan Shaqaalaha iyo , xarumaha ay ka yimaadeenna.

Workshop 1 samiraan undp 6 samiraan undp 5 samiraan undp 4 samiraan undp 3 samiraan undp 2Libaax 1 samiraan undp 1