XAFLADDA FURITAANKA DIB U HABEENTA SHARCIGA 11AAD EE SHAQAALAHA DOWLADDA OO  LAGU QABTAY MUQDISHO

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  ayaa qabatay Xaflad ujeedkeedu  ahaa sidii wax ka badal loogu sameyn lahaa shirciga Shaqaalaha Rayidka Dowladda, waxaana ka soo qeyb galay Wasiirro, Xildhibaanno, Diblomaasiyiin, mas’uuliyiin kasodcay UNDP, Aqoonyahanno iyo  Agaasimayaal  ka soday Wasaaradaha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Sharciga Shaqaalaha 0

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar oo lafdhabar  u ahaa qabsoomidda Xafladda xarriga looga jarayay sidii wax ka badal loogu sameyn lahaa  Sharciga Shaqaalaha Rayidka  Dowladda ee L.11 ayaa ku soo dhaweeyay martida soo xaadirtay madasha Kulanka.

Agaasimaha guud oo faahfaanim gaaban ka bixiyay ujeeddada  Xafladda  ayaa sheegay “ in shirciga Shaqaalaha Rayidka L.11  uu soo baxay sanadka marka uu ahaa 2006, hadana ay muhiim tahay in wax ka baddalid lagu sameeyo sharcigan” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Sharciga Shaqaalaha 2

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Cusmaan Libaax Ibraahim oo ugu horreyntii ka hadlay Xafladda ayaa sheegay in ay Wasaaradda ka go’antahay inay fuliso qorshaha u degsan kaas oo uu ka mid yahay midka aan  maanta u fadhinno furitaankiisa oo ah in wax ka baddal lagu sameeyo Sharciga Shaqaalaha Rayidka Dowladda.

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa yiri “ Xafladdan furitaanka ah waxay ku saabsan tahay  dib u habeynta sharciga shaqaalaha  L.11, waad og tihiin xaalada dalkeena ka taagan  iyo shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku sugan yihiin, sidoo kale Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada waxay waqti badan gelisay sidii wax looga qaban lahaa sharciyada quseeya Shaqaalaha Soomaaliyeed”.

Sharciga Shaqaalaha 6

Wasiiradda Caafimaadka Xaawo Maxamed Xasan ayaa iyaduna  sheegtay in ay soo dhaweeyneyso wax ka baddalka sharcigan ayna soo jeedineyso in ay ka muuqdaan  doorka ay ku leeyihiin  Haweenka shaqeeya iyo dadka Baahida gaarka ah qaba (Naafada). “ waxaan rabaa in aan ka hadlo labo qodob in laga helo sharcigan dib u habeynta lagu sameynayo taas oo ah xaalada Haweenka Shaqeeya iyo dadka baahiyaha gaarka qaba, waxaanna si gaar ah ula hadlayaa guddiga loo xil saaray wax ka badalka sharcigan  in ay diirada saaraan dhammaan xuquuqaadka Shaqaalaha rayidka dowladda” sidaana waxaa tiri Marwo Xaawa Maxamed Xasan Wasiiradda Caafimaadka Xukuummadda Soomaaliya.

Sharciga Shaqaalaha 01

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muuddey oo furay shirka wax ka badalka sharciga Shaqaalaha rayidka dowladda  ayaa tilmaamay in sharcigan ay ka soo shaqeyn doonaan aqoonyahanno iyo Quburo Soomaaliyeed oo aqoon durugsan u leh sharciga Shaqaalaha Soomaaliyeed.

 

Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada ayaa yiri “ sharciga Shaqaalaha Lambar 11 in wax laga baddalo  ayuu ku saabsan yahay waxa aan iskugu nimad xafladdan furitaanka wax ka baddalka Sharigan , waxaan rabaa in aad si fiican u ogaataan Aqoonyahannada iyo Quburada aan  ugu talo galnay in ay sharcigan ka shaqeeyaan ay yihiin dad ka kala yimid hay’adaha  dowladda qeybaheeda kala duwan  oo la soo xulay, sababta waxay tahay in sifiican arrinkaasi  looga baaraan dago maxaa yeelay waa mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda”. Sidaas waxaa yiri  Wasiir Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey.

 

Kulanka ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin faro badan oo ku biiriyay talooyin iyo aragtiyo ku aaddan  wax ka baddalka Sharciga Shaqaalaha Rayidka,  waxaana ka mid ahaa  madaxa hay’adda UNDP, mas’uul ka socday Safaaradda Ingariiska Uk ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Xafladda ayaa ku soo dhamaatay jawi  farxadeed, waana markii ugu horreysay ee Muqdisho lagu qabto xaflad tan la mid ah oo looga hadlayo  wax ka baddalka  Sharciga L.11 ee Shaqaalaha  Rayidka  dowladda   Soomaaliyeed.

 

Sharciga Shaqaalaha 1   Sharciga Shaqaalaha 4 Sharciga Shaqaalaha 5  Sharciga Shaqaalaha 7 Sharciga Shaqaalaha 8 Sharciga Shaqaalaha 9 Sharciga Shaqaalaha 10Sharciga Shaqaalaha 11Sharciga Shaqaalaha 14Sharciga Shaqaalaha 15Sharciga Shaqaalaha 16Sharciga Shaqaalaha 17Sharciga Shaqaalaha 18Sharciga Shaqaalaha 19Sharciga Shaqaalaha 20Sharciga Shaqaalaha 21Sharciga Shaqaalaha 12Sharciga Shaqaalaha 13