Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Seminar u Furtay  madaxda hey`adaha Shaqaalaha Dalka

Waxaa Magaalada Muqdisho ka furmay seminaar muddo 2 maalin soconayay oo loo qabtay madaxda hey`adaha Shaqaalaha dalka ka jira, waxaana muddada uu seminaarku socday lagu baranayay casharro la xiriira qaabka wax looga badalayo Sharciga Shaqaalaha Dowladda ee L11.

Siminaarkan waxaa soo qabanqaabiyay Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kaashaneysa UNDP, muddada uu socda waxaa lagu baran doonaa hannaanka wax ka badalka sharciga shaqaalaha L11.

Xubnaha ka qebgalaya seminaarkan ayaa waxaa ay ka kala socdeen , xiriirrada ururrada Shaqaalaha, Rugta Ganaciga, Quburo ku xeel-dheer Arrimaha Shaqada, Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka, Xafiiska Madaxweynaha , Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

wasiirka siminaar.4 jpg

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada mudane Cabdiwali Ibraahim Muuddey oo seminaarka furay ayaa sheegay in aqoon kororsiga uu yahay midka ugu muhiimsan ee wax looga baddali karo sharciga Shaqaalaha L11 wuxuuna tilmaamay in taasi ay la micno tahay in weli loo baahan yahay kobcinta sharciga Shaqaalaha Dowladda.

“Waxaanna ugu tala galnay aqoonta Sharciga in lagu sii horumariyo, waayo shacigan L11 ee aad maanta u fadhisaan waxa uu u baahanyahay in wax laga baddalo si uu ula socdo wacyiga dalka iyo horumarka lagu tallaabsanayo sanad walba”, “waxaana inoo qorshaysan sanadkan gudahiisa uu dhamaado wax ka baddalka Sharciga L11 ee lagu hagayo dhamman shaqaalaha Soomaaliyeed” ayuu yiri wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada mudane Cabdiwali Ibraahim Muudey.

“Waan ku faraxsanahay maanta inay nala joogaan mas`uuliyiintii ugu sarreysay Wasaaradda iyo Khuburo ka socota UNDP, waxa aad halkaan ka kororsataan waa in laga dareemaa Wasaaradaha iyo Hay’adaha aad ka timaadeen, balanteennuna waa wax qabad dhab ah oo la taaban karo” ayuu yiri wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada mudane Cabdiwali Ibraahim Muudey.

Semninaarkan [Civil service Law Amendment—Activity Lauch Workshop] oo uu macallin ka ahaa Giulio de Tommasa oo UNDP ka socday waxaa casharrada lagu qaadanayay ka mid ahaa qaabka maamulka, qorsheynta, iyo wax ka baddalka Sharciga (description of the Amendment Process).

samiraan undp 1

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Cadde Mukhtar ayaa sheegay in tababarka ay uga faa’iideysan doonaan qaabka ugu habboon ee wax looga baddali karo shirciga L11 , isagoo ku boorriyay inay ilaaliyaan waqtiga inta uu socda siminaarka, maadaama uu xambaarsanyahay macluumaad ku aaddan hannaanka Sharciga Shaqaalaha Dowladda oo ah in wax ku darid iyo wax ka dhimid lagu sameynayo sharciga L11 (Amendment).

“Dhowr mowduuc ayaa looga hadlay muddada labada maalin ah, mid waa taariikhda shaqaalaha Rayidka midna waa caqabadihii soo maray (History of the Cs Law Challenges and difficulties) iyo waxyaabaha la xiriira, Qaabka ugu fiican ee Sharciga Shaqaalaha caalamiga ah iyo waayo-aragnimo Dowladaha u arkaan (Best practice in Cs Laws international experience in Drafting Cs Laws) waxa la xiriira, iyo mid ku saabsan adeegyada aas aasiga ah iyo Shaqaalaha sida loo gaarsiin lahaa shaciga L11 oo sax ah” ayuu yiri Agaasimaha Guud Maxamed Cadde Mukhtaar

wasiirka siminaar 0 wasiirka siminaar.1 jpg wasiirka siminaar.2 jpg wasiirka siminaar.3 jpg  wasiirka siminaar