Wasaaradda shaqada oo digniin u dirtay dad ku qaraabanaya inay shaqaale geynayaan Sacuudiga.

Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay lacagaha sida qaldan looga qaadayo shacabka, iyadoo loo sheegayo in Dalka Sacuudiga loo qaadaayo, isla markaana digniin u dirtay Dadka hawlahaas ku lug leh ee dadka lacagta ka aruursanaya.

Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Cusmaan Libaax Ibraahim oo la hadlay sahaafada ayaa u sheegay in shaqaalaha loo qaadi doono Dalka Sacuudiga ay Wasaaradda Shaqada mas’uul ka tahay, isla markaana ay jiraan shaqsiyaad si qaldan dadka wax uga qaata.

“Wararka been abuurka ah ee ka socda guud ahaan dalka, taasi oo ah in si qaldan loo fasiray shaqaale loo qaadayo dalka Sacuudiga, balanqaadka Madaxweynaha ayaa ku jirtay in dadka shaqo abuur loo sameynayo, Wasaaradda shaqada ayaa dowladaha khaliijka arrintaasai kala hadashay, taasi oo fursad u siineysa in shaqaale badan loo qaado dalka boqortooyada oo qeyb ka ah shaqo abuur” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka shaqada.

Wasiir-ku xigeena Wasaaradda shaqada ayaa digniin u diray dadka marin habaabinta ka dhex-wada shacabka, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay arrinkan uga dambeeyaan Dawladda.

“Dadka la qaadayo waxa ay isugu jiraa rag iyo dumar oo buuxiya sharuudaha u degsan wasaaradda, maamul goboleedyada, iyo maamulka gobolka ayaa loo qeybinayaa shaqaalaha Sacuudiga loo qaadayo, waxaana ciddii buuxisa sharuudahan ay xaq u yeelan doonaan in loo qaado dalka Boqortooyada Sacuudiga”  ayuu hadalkiisa ku daray wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Cismaan Libaax ibraahim.