Kulan looga arinsanayo dib u qorista sharciga shaqaalaha rayidka L 11  oo dhexmaray Hay,adda UNDP & Wasaaradda Shaqa iyo Arrimaha Bulshada

.

KULAN LOOGA ARINSANAYO DIB U QORISTA SHARCIGA SHAQAALAHA RAYIDKA L 11  OO DHEXMARAY HAY,ADDA UNDP & WASAARADDA SHAQA IYO ARRIMAHA BULSHADA

TR. 24/02/2016

Kulan looga arinsanayo dib u qorista sharciga shaqaalaha rayidka L.11 oo dhexmaray Hay,adda UNDP & Wasaaradda Shaqa iyo Arrimaha Bulshada

Hay’adda UNDP oo ka mid ah hay’adaha la hawl gala Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa maanta kulan wadatashi ah oo ku saabsan sida ay u socoto dib u qorista sharciga shaqaalaha rayidka L 11 ku yeeshay xarunta dhexe ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Kulankan  waxaa kasoo qeyb galay Giulio de Tommaso oo ah qabiir UNDP-da usoo xilsaartay dib u qorista sharciga shaqaalaha rayidka ee Dowladda ee L.11 oo muddo shan bilood ah ay gacanta ku haayeen guddi loo xulay oo Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  oo loo xilsaaray inay dib u habeen ku sameeyaan Sharciga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda .

Warbixin Kooban:

Sharciga Shaqaalaha rayidka ee no.11 waxuu soo maray shaqo aad u dheer oo dhanka tarjumidda ah  eek u saleysnaa qaabkii hore uu u qornaa sharcigii shaqaalaha rayidka soomaaliyeed, waxuuna u baahnaa tafatirid, ka fikirid iyo waafajin sharuucda caalamka u dagsan ee shaqada shaqaalaha.

Giulio: “Aniga qabiir ahaan waxaan qabay walwal aad u weyn oo aan sharciga shaqaalaha soomaaliyeed kaga taxadarayay maadaama ay UNDP-da ii xilsaaray fulinta sharcigan”.

Aragtida Guddiga:

Yuusuf Salaad: “95% sharciga shaqaalaha waxuu u baahnaa in la casriyeeyo,  waxuuna soo maray gacantii 1aad, haddana waxaan ku guda jirnaa gacantii 2aad oo dhanka qoraalada ah annagoo jabtar waliba u fiirinayno qaab caalami ah inuu ku saleysanyahay, ka Guddi ahaan waxaan aad isugu xilsaarnay inaan soo bandhigno sharci muujinaya dhammaan shaqaalaha ummada Soomaaliyeed kaafin karo.

 Waxaa  inoo qorsheysan inaan Nairobi isugu tagno oo aan kusoo gabagabeyno dib u qorista sharciga shaqaalaha rayidka. Walwalka aan qabnay waa ka shaqeynta sharciga oo ay nagu dheeraaday, waxaana fileynaa in golaha wasiirada sharcigan la horgeyn doono muddada ugu dhow ee aan isku afgarano”.

Dr. Daahir Guutaale: “Mudane shaqada dib u qorista sharciga waa la kala lahaa, waxeyna aheyd saddex geesood, mid annagaa laheyn, mid asagaa lahaa oo Giulio  ah, midna UNDP-da.  Midda guddiga uu lahaa waxey aheyd qaabeynta eray-bixinta iyo kala duwanaashaha sharcigii horay u qornaa iyo kan cusub, waxeyna noqotay mid aan wax weyn ka qabannay waqtina ku bixinnay. Midda Mr. Giulio waxey aheyd in shuruucda caalamka uu waafajiyo sharcigan. Midda UNDP-dana waxey aheyd inay maal galiso dib u qorista sharciga”.

Aragtida Wasaradda:

 Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Maxamed Cadde Mukhtaar: “Dib u qorista sharciga shaqaalaha rayidka waxaan islaheyn 10 maalmood inuusan nagu qaadaneyn, waxaana soo baxday shaqo adag oo u baahan in aad looga taxaddaro lana waafajiyo sharciyada caalamka, maadaama Sharciga qoran  uu ahaa mid ku eg in uu ku kooban yahay Wasaaradda iyo Guddiga shaqaalaha rayidka.

“Baahida loo qabo sharciyada waa mid balaaran, sharcigii hore 30% ma ahayn mid kaafiya dhammaan hay’adaha iyo Wasaaraddaha dalka waxaadna moodaa in uu ahaa mid aan sax ahayn, waxan kawada doodnay khabiirkan ka socdo UNDP sharciga inoo qoran sax ahaanshihiisa, markii dambe waxaan ogaaday in sharciga uu kooban yahay una baahan yahay  in la balaariyo si loo waafijiyo shuruucda aduunka, wadamada deriska iyo dalkeenna.

Ninkaan UNDP-da ka socdo ee khabiirka ah, wuxuu rabaa in laysu yimaado wadatashi sharcigan ahna ee ay kasoo qayb galayaan wasiiro iyo beesha caalamka iyo guddiga la sameeyo, si loo soo gabagabeeyo dib-uqorista sharciga iyo ansaxintiisa.

Ugu dambeyntii waxaa soo gabagabeeyay kulanka Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xil. Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey:  “Waad ku mahadsan tahay soo jeedintaada mr. Giulio de Tommaso iyo dadaalkii aad ka muujisay dib u qorista sharciga shaqaalaha iyo qaabka aad u rabtay inuu ahaado sharciga shaqaalaha rayidka waana soo dhaweynayaa waadna ku mahadsan tahay”.
Sharcigaan dib-uqorostiisa waa ay nagu daahdey, wax walba ee beesha caalamka lug ku leedahay wey daahaan, “Wasaaraddan inta aan joogay waxaa loo sameeyay laba sharci oo ay soo ansaxiyeen Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka kuwaasoo kala ah sharciga Ajnabiga iyo sharciga Naafada taasoo beesha caalamka ee lug ku lahayn waana uu her galay”.

Go’aan:

Gabagabadii  shirka ayaa waxaa lagu go’aamiya;
In guddiga loo xil saaray qorista sharciga iyo khabiirka UNDP-da soo gaba-gabeeyaan taariikhdu markey tahay 30/03/2016 sharciga shaqaalaha rayidka .

sharciga low 11 ok sharciga low 11 ok 0 sharciga low 11