Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada oo tababar u soo xirtay dhalinyaro “DAAWO”

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta tababar u soo xirtay dhalinyaro Soomaaliyeed oo baranayay horumarinta bulshada si ay shacabka ugu adeegaan iskaa wax u qabso, laguna qabtay Muqdisho.

Tababarkan oo iska kaashadeen Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada, Agaasimaha Xiriirka Dadweynaha iyo Arimaha bulshada ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo hay’adda SOHVOT loona qabtay ku dhawaad 100 dhalinyaro ah ayaa waxaa lagu baranayay sida saxafiga uu u sameeyo dabagalka, xiriirka saxaafadda iyo dib u dejinta iyo arrimo kale.

Aadan Cabdulle Cabdi Madaxa xiriirka dadweynaha ee hay’adda ka qeyb qaadaneysa tababarka ayaa sheegay in mudadii uu tababarka socday ay dhalinyarada u gudbiyeen aqoon ku filan oo ay ugu adeegi karaan bulshada, isagoo xusay in tababarkaasi uu socday intii u dhexesay 14-28 July ee sanadkan.

Agaasimaha Xiriirka Dadweynaha iyo Arimaha bulshada ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha C/casiis Yuusuf ayaa sheegay in u jeedka tababarka uu ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta dhalinyariyada Soomaaliyeed, ayna joogteynayaan kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadda dhalinyarada Soomaaliyeed.

 

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Luqmaan Ismaaciil Maxamed oo gebo gabadii goobta hadal ka jeediyay ayaa dhalinyarada kula dar daarmay inay bulshadooda ugu adeegaan iskaa wax u qabso, isagoo xusay in Wasaaraddu ay dhiiri gelineyso tababarada nuucaani oo kale ah.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa halkaasi suugaan ka hadlaysa wadaniyadda goobta ka qaaday fanaaniinta kooxda S.Y.L II, iyadoo ay si aad ah ugu riyaaqeen intii xafladda ka qeyb gashay.

Halkaan ka Daawo

[youtube id=”7YLc3ngOS9s” width=”600″ height=”350″]

Wasiirka Shaqada 1 Ridwaan 1 Haddaad  1 Asiis dhalinta 1 dheer 1