Shir looga hadlaayay  Khariirada  Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

Magaalada Muqdisho Waxaa kafurmay Shir looga hadlaayay Khariirada Xuquul Insaanka Soomaaliya oo ay soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul iyo UNSOM  waxaana ka soo qeyb galay 11 Wasaaradood oo ah Wasaaradaha  u qaabilsan Hormarinta Arrimaha Bulshada waxaana lagu dardar galinayay xuquuqaha  ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed .

 

Shirka furitaankiisa waxaa ka hadlay Mas’uuliyiin ka kala socday Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka  Agaasimaha Guud Mudane Maxamed Cumar iyo UNSOM Agaasimaha Bariga Afrika uqaabilsan Xuquuql insaanka.

 

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kamid ah Wasaaradihii lagu casuumay ayaa doowr muhiim ah ku lahedy taaba gelinta shirkaasi.

konteenar

Agaasimaha Waaxda Arrimaha   Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  Mudane Saciid Aadan Mire  ayaa sheegay  in Wasaaradiisu ku leedahay ilaalinta Xuquuqul Insaanka qeybo  aad u weyn oo ay kamid yihiin 4 qaybood oo ku jirtay qoraaladii lagu soo bandhigay Shirka, Khaar  kalana ay wadaagayaan Wasaaradaha kale.

 

Sida uu sheegay Agaasimaha Arrimaha Bulshada qodobada quseeya in ay hiyiin kuwan hoos ku qoran

1-Xuquuda shaqaalaha  (labour right )

2-Xuquuda naafada       (disable right)

3-Xuquuqda caruurta   (Children right)

4-Xuquuqda habnoola leedka Bulshada.

Waxuu nitaasi  raaciyay in Wasaaraddu soo bandhigi doonto Khorshaha ugu degsan howlaha quseeya  Khariirada  Xuquuqul  Insaanka ee Soomaaliya.

 

Director of Public Relation & Communication (PRC)
Ministry of Labor and Social affairs